Tirada xubnaha baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee la soo doorto ayaa kordhi doonta ka dib markii ururka ay ku soo biirtay Soomaaliya.
Ka dib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan.
Ilaa 72 ka mid ah xubnahani ayaa ah xildhibaanno la soo doortay, halka siddeed ay wasiirro yihiin, xoghayaha guud ee ururka iyo xubin ah la taliyahay dhanka sharciga.
Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bbariga Afrika.
Soomaaliya ayaa xaq u yeelanaysa in ay ka qeyb gasho dhammaan holwaha ururka tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay si rasmi ah ugu biirtay ururka.
Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka hormarinta Bariga Afrika.
Yaa soo xulaya xubnaha Soomaaliya ee baarlamaanka Bariga Afrika?
Sida uu dhigayo cahdiga ururka bariga Afrika cutubkiisa 50-naad xubnaha baarlamanka Bariga Afrika ayaa waxaa soo doorta baarlamaanka dalalka xubnaha ka ah.
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliay u qaabilsan arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa, (EAC) Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in dhawaan la soo xuli doono xubnaha baarlamaanka Bariga Afrika ku matli doona Soomaaliya.
Mr Hadliye ayaa sheegay in Soomaaliya ay sagaal xubnood ku yeelan doonto baarlamaanka Bariga Afrika si la mid ah dalalka kale.
"Waddan walba wuxuu leeyahay 9 xubnood oo matalaya xagga baarlamaanka bariga Afrika waddanka ama ha ahaado 100 milyan ama 3 milyan waa isku wada mid wadan walba 9 ayaa laga rabaa," ayuu yiri Hadliye.
Mr Hadliye oo ay BBC wax ka waydiisay cidda xubnahan soo xulaysa ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya Xassan sheekh Maxamuud uu soo xuli doono ka dibna loo gudbin doono baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
"Waxaa soo xuli doona madaxwaynaha iyo dowladda Soomaaliya, waxaana la geyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya, waa in baarlamanka aqalka hoose ku raacaan," ayuu yiri Mr Hadliye.
Waxaa uu intaa ku daray in xubnaha la soo xuliyo ay shuruudaha ka mid yihiin in uusan xil sare ka hayn dowladda sida in uusan ahayn wasiir ama xildhibaan.
"Waxaa muhiim ah in aysan noqon wasiiro, qof dowladda meel sare ka haya iyo qof baarlamaanka ku jira midna lama ogolaanayo, waana in qof Soomaali ah yahay waana in da'dooda 30 ka yareyn," ayuu yiri Mr Hadliye.
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliay u qaabilsan arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa, (EAC) Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa dhanka kale sheegay in qorshaha waqtiga la soo xulayo xubnahani uu yahay bisha Ramadan ka dib.
"Insha allahu Ramadanta ka dib in la dhammeeyo waaye waqti badan uma baahna waayo wuu socdaa waqtigii la fadhiyay baarlamaanka Bariga Afrika," ayuu yiri Mr Hadliye.
Waqti intee dhan ayay qaadanaysaa in soomaaliya ka faa'iideysato ururka?
Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kaas oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah todobada dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April 2022-kii.
Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.
Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC.
Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010.
Yoolka ugu weyn ee laga leeyahay urur goboleedka EAC ayaa ah in dalalka xubnaha ka ah ay yeeshaan dowlad ay ku midaysan yihiin.
Midnimada dowladeed ee uu doonayo ururka ayaa waxaa bud-dhig u noqon doona in siyaasad midaysan ay dalalku ka yeeshaan arrimaha ammaanka, gaashaandhigga iyo xiriirka dibedda. Lama sheegin xilliga la gaari doono yoolkaas.
In Soomaaliya ay ka faa'ideysato dhammaan arrimaha aan kor ku soo xusnay ayaa muddo dheer qaadan doonta sida uu sheegay Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bariga Afrika Cabdi Salaan Hadliye.
Waxaa uu farta ku fiiqay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay ansixiso shuruuc kala duwan si loo waafajiyo xeerarka iyo sharcida ururka bariga Afrika.
"Waxay ku xiran tahay sida aan anaga u dadaalno oo sharciyada u waafajinno sharciyada bariga Afrika kuw Soomaaliya, laakiin in si kuli loo noqdo boqolkiiba boqol looga qeyb galo isbahaysiga waxay qaadan doontaa dhowr sano," ayuu yiri Mr Hadliye.
0 Comments