21 Dhalinyaro tahribayaal ah oo mudo 15 casho ah warkooda la waayay ayaa la helay raq dooda 24 kii saac ee la so dhaafay, waxayna ka ambabexeen dalka Aljeeriya.
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain oo wato diyaaradaha elakobtarka oo gaaf wareegayo badda ayaa u gurmaday dhalinyaradaan 21 ka ah oo 5 ka mid ah ay geeriyoodeen.
Dhalinyaradaan ayaa mudo 15 casho ku jiray badda dhexdeeda waxaana cilad ku timid doontii ay saarnayeen ay sababtay inay biyaha iska dul sabeyaan mudo labo todobaad ah.
Shanta qof ee dhimatay ayaa la sheegay inay u geeriyoodeen gaajo madaama sahaydii ay go’day mudo 7 casho ayay dhamaan dhalinyarada waxbo afkooda saarin.
Ciidamada Spain 🇪🇸 ayaa samata bixiyay intii kale ee so hartay waxaana la geeyay gobal ka mid ah wadankaas halkaas oo xaladooda lagula tacaalayo iminka.
0 Comments