Askari Ciidanka Xoogga ah oo Ceel Baraf lagu dilay

 

Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Shire Xuseen ayaa lagu dilay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, xilli uu kusii jeeday gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo dhacdada ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay Axmed Shire kala dageen mooto uu la socday, kadib markii ay ku qabteen jidka deegaanka Ceel Baraf.

Axmed Shire ayaa la sheegay inuu muddo xanuunsanaa, isla markaana uu fasax kasoo qaatay deegaanka Buurane, isagoo u safrayay dhanka qoyskiisa iyo gobolka Hiiraan.

Kahor inta aan la dilin, maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay inay muuqaal ka duubeen marxuumka. Muuqaalkaas ayaa markii dambe lagu faafiyay baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale la soo weriyay in Axmed Shire, isagoo ka baryaya ragga hubeysan inaysan dilin, uu yiri:

“Abtiyaal, hay dilina, waan xanuunsanayaa. Haddii aan wax isku ogahay, dariiqa ma soo mareen?”

Wararka qaar ayaa dilka ku tilmaamaya inuu la xiriiray aano qabiil, isla markaana maleeshiyaadku ay ahaayeen kuwo u abaabulnaa qaab beeleed, hase yeeshee ma jirto illaa hadda xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda ama hay’adaha amniga oo caddeyneysa sababta rasmiga ah ee dilka.

Dilka Axmed Shire Xuseen ayaa dhaliyay murugo iyo walaac, iyadoo loo baahan yahay in la baaro dhacdada, cidda ka dambeysayna sharciga la horkeeno, si looga hortago in dilku uu horseedo aargoosi iyo colaad hor leh.


Post a Comment

0 Comments