Wax ka ogow dalalka Falastiin dal ahaan u aqoonsan

 



Iyadoo dalalka Spain, Norway iyo Ireland ay shalay ku dhawaaqeen in dowlad madax bannaan ay u aqoonsanayaan Falastiiin 28 bishaan May, ayaan warbixintaan ku eegi doonaa dalalka aqoonsan dal la yiraahdo Falastiin iyo kuwa aan aqoonsaneyn.


Go’aanka dalalkaan ay qaateen oo hoggaamiyaasha Falastiiniyiinta ay soo dhaweeyeen ayaa lagu tilmaamay “xilli taariikhi ah”.

Waddamada go’aansaday in ay Falastiin u aqoonsadaan dal ayaa sheegay in tallaabadani ay wax ka tari doonto horumarinta wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Israa’iil oo ka falcelinaysa go’aanka dalalkan ayaa sheegtay in ay u yeeraneyso safiirrada saddexda dal si ay tusaan muuqaalkii weerarradii 7-dii October.



Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz ayaa yiri “Spain, Norway iyo Ireland waxay go’aansadeen inay billado dahab ah guddoonsiiyaan gacan ku dhiiglayaasha Xamaas iyo kuwa kufsiga geystay.

Dalalka dal ahaan u aqoonsan Falastiin iyo kuwa aan u aqoonsaneyn.

139 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa Falastiin u aqoonsan dal.

Waxaa ka mid ah 22-ka xubnood oo ka mid ah kooxda Carabta ee Qaramada Midoobay, 57 ka mid ah Ururka Iskaashiga Islamaka iyo 120 ka mid ah waddamada dhexdhexaadka ah ee aan dhinacna jirin.

Warbixintii ugu dambeysay, ayaa lagu sheegay in tirada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsan Falastiin ay ay gaari karto 142 dal.

Dalalka Mareykanka, Igiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Canada, Australia, Netherlands, Talyaaniga, Bortaqiiska, Finland, Denmark, Switzerland, Belgium-ka, Giriigga, Japan, Kooriyada Koonfureed, Myanmar, Eritrea, Taiwan, New Zealand, Panama iyo Cameroon oo ah dalal ka badan 40 ayaan Falastiin u aqoonsanayn dawlad.

Australia ayaa bishan ku dhawaaqday inay Falastiin u aqoonsan karto dawlad "si loogu gogol xaaro xal laba dawladood ah."

Bishii Maarso, hoggaamiyeyaasha Spain, Ireland, Malta iyo Slovenia waxay ku dhawaaqeen inay ka shaqeynayaan sidii Falastiin loogu aqoonsan lahaa dowlad "marka shuruudaha ku habboon la buuxiyo".

Ka hor inta aan lagu dhawaaqin, sagaal waddan oo Yurub ah ayaa Falastiin u aqoonsaday dawlad. Inta badan kuwan waxaa la go'aamiyay sanadkii 1988-kii, markii ay ka mid ahaayeen Midowga Soofiyeeti.

Todobaadyo ka hor tallaabadii ay qaadeen Spain, Norway iyo Ireland, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay sharci soo jeedinaya in dib loo qiimeeyo xubinnimada Falastiin ee Qaramada Midoobay iyo in Falastiin la siiyo awood iyo mudnaan ballaaran.

Bishii Abriil, Mareykanka wuxuu xannibay xubinnimada Falastiiniyiinta oo buuxda ururka isagoo diidey codka golaha ammaanka ee soo jeedinta Qaramada Midoobay inay aqoonsato dawladda Falastiiniyiintu leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, 12 waddan, oo ay ku jiraan xulafada Mareykanka sida Faransiiska, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed, ayaa iftiimiyay sharciga.

Haddii soo jeedintan ay soo gudbisay Algeria uu aqbalo golaha amaanka, golaha guud ee qaramada midoobay waxa uu u codayn karaa soo jeedintan waxaana lagu aqbali karaa soo jeedinta saddex meelood laba meel.

Qabyo-qoraalka loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa la ansixin karaa oo keliya haddii aanay shanta xubnood ee joogtada ahi midkoodna uusan diidin. Shantan wadan waa Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha.

Maxamuud Cabbaas, oo ah hogaamiyaha maamulka Falastiiniyiinta, ayaa ku tilmaamay diidmada qayaxan ee Mareykanka mid khalad ah, halka Israa’iil ay ku tilmaantay sharciga mid ceeb ah.

Bayaanka ay soo saartay codeynta ka dib, Mareykanka wuxuu ku yiri, "Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu si weyn u taageersan yahay xalka labada waddan. waxaa laga yaabaa in ay ka dhashaan wada xaajood toos ah oo dhexmara dhinacyada."

Maxay u cusukanayaan dalalka aan Falastiin aqoonsaneyn?

Waddamada aan Falastiin u aqoonsan dawlad ahaan guud ahaan waxay ku macneeyaan hab-dhaqannadan "maqnaanshaha heshiis wada-xaajood ah oo lala galo Israa'iil."

Barafasoor ka tirsan iskuulka dhaqaalaha ee London School of Economics (LSE). Fawaz Gerges waxa uu yiri, "Inkasta oo Maraykanku uu iska dhigo inuu taageersan yahay dhismaha dawlad Falastiin ah, isagoo ku adkaysanaya wada xaajood toos ah oo dhexmara Israa'iil iyo Falastiin, waxay dhab ahaantii siinaysaa Israa'iil xaqa ay ku diiddan tahay madaxbannaanida Falastiin."

Xalka labada dawladood waxa loo go'aamiyey sidii looga jiba gaari lahaa wada-hadalladii nabadeed ee bilaabmay sagaashamaadkii.

Laakin wada hadalada ayaa gaabis ku yimid sanadii 2000-dii waxayna joogsadeen 2014-kii.

Arrimo adag oo ay ka mid yihiin xudduudaha, qaab-dhismeedka dawladda falastiin leedahay, maqaamka magaalada Qudus iyo masiirka qaxootiga falastiiniyiinta ka dib dagaalkii 1948-49 ayaa weli miiska saaran.

Israa'iil waxay si adag uga soo horjeeddaa dalabka Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay.

Sidee tahay matalaadda Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobey?

Sanadkii 2011-kii, Falastiin waxay codsatay inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, hase-yeeshee codsigan ma helin taageerada lagama maarmaanka ahayd ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, lamana codayn.

Sannadkii 2012-kii, codsigii maamulka Falastiin ee ahaa in aaney xubin ka ahayn xaaladaha qaar, ayaa horseeday in laga aqbalo goob-jooge taas oo lagu aqbalay codbixin ka dhacday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xaaladdani waxay Falastiin xaq u siineysaa in ay ka qayb qaadan karto doodaha Golaha Guud. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Falastiiniyiinta ma laha xuquuq codbixineed.

Go'aankan, oo laga soo dhaweeyay Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ee 2012-kii, ayaa u gogol xaarayay in Falastiiniyiintu ku biiraan ururada kale ee caalamiga ah. Kuwaas waxaa ka mid ah Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

Khaalid Elgindy, oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ee Washington, ayaa yiri: "Xubinnimada buuxda ee Qaramada Midoobay waxay kor u qaadi kartaa heerka dibloomaasiyadeed ee Falastiiniyiinta waxayna u gogol xaaraysaa xuquuqaha ay ka midka yihiin xaqa ay u leeyihiin inay soo gudbiyaan biilasha iyo inay u codeeyaan Golaha Guud. Balse hadda qodobbadaan midna ma jiro. Arrintaan waxay horseedi kartaa in la helo xal laba dawladood ah,”.

Gilbert Achcar, oo ah barafasoor cilmiga horumarinta ka dhiga jaamacadda SOAS ee London, waxa uu xusay in xubinnimada buuxda ee Qaramada Midoobay ay ahaan doonto guul . Achcar wuxuu ku dooday in marka la eego jiritaanka "Maamulka Falastiiniyiinta ee aan awoodda lahayn" iyo dhulalka la haysto, ay"dawlad madaxbannaan oo Falastiin leedahay weli tahay mid aan sahlaneyn oo fog."



Post a Comment

0 Comments