Shilkii diyaaradeed ee uu ku geeriyooday Madaxweynihii Iran

 



qaar ka mid ah warbaahinta Iiran ayaa tabinaysay in madaxweyne Ibraahim Raisi uu geeriyooday isaga iyo dadkii kale ee la saarnaa diyaarada balse ma jiro xaqiijin rasmi ah.


dadka dhintay waxaa sidoo kale ku jira wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaasi Hossein Amir-Abdollahian.

Warbaahinta Iiraan ee tabiyey warkan waxaa ka mid ah wakaaladaha wararka Mehr iyo Tasnim.

Si kastaba ha ahaatee ma jiro xaqiijin rasmi ah oo arrintan ku saabsan.

Madaxweyne Raisi ayaa saarnaa diyaaradda helicopter-ka ah oo nooceedu ahaa Bell 212, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee dalkaasi. Waxaa weheliyey madaxweynaha wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Xusseen Amira Amirabdollahian.

Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, Madaxweyne Raisi ayaa ku sii jeeday magaalada Tabriz ee ku taal waqooyi-galbeed ee Iran, ka dib markii uu ka soo laabtay xadka Asarbayjaan, halkaasoo uu furay biyo-xireennada Qis- Qalasi iyo Khodaafarin.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in agagagaas ay ka jirtay ceeryaamo xooggan iyo hawada oo aad u xumayd sida ka muuqatay muuqaalo uu baahiyey telefishinka dowladda Iiran.

Kooxaha samatabixiyaasha Iiraan ayaa si deg deg ah u gaaray deeganadaas walow cimiladu ay ahayd mid aad u xun sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Iiran,

Pir Hossein Kolivand oo ah madaxa Bisha Cas ee dalka Iran ayaa sheegay in la helay halkii ay ku burburtay diyaaradii Helicopter-ka ee uu la socday Madaxweynaha Iran Dejar.

Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale baahisay sawirro aan caddayn oo ku saabsan goobta la sheegay in shilku ka dhacay.

Howlagalka baadigoobka waxaa sidoo kale qayb ka ah ciidamada Kacaanka Iiran kuwaas oo sida uu sheegay Kolivand, aan wali wali halkaasi soo gaarin.

Wuxuu sheegay in masaafada ay ciidamada Helal u jiraan goobta ay tahay 2 KM, daqiiqado kadibna ay ku gaari doonaan goobta.

Warbixino toos ah iyo sawirro laga soo qaaday bariga Asarbayjaan ayaa muujinaya qorrax ka soo baxa aagga loo maleynayo in helicopter-ka Ebrahim Raisi iyo saaxiibadii ay shil galeen.

Waraysigii ugu dambeeyay ee uu siiyay kanaalka Khabar, saxafiga ka tirsan telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in "wali aysan jirin wax war ah oo ku saabsan imaatinka ciidamada samatabbixinta ee goobaha la cayimay."

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa idaacadda iyo Telefishinka qaranka Iran laga sii daayay warbixin laga soo xigtay gobolka Varzghan, halkaasi oo ciidamada samatabixinta ay isku dayayaan inay helaan helikobtar ay la socdeen Ebrahim Raisi iyo asxaabtiisa, waxaana wariyaha warbaahintan uu yiri. aagga laga shakisan yahay in diyaaradda helicopter-ka ay shil ku gashay" Waxay noqonaysaa mid xaddidan."

Iyadoo uu socdo baadigoobka lagu raadinayo madaxweyne Raisi, ayaa dadka reer Iran waxay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Tehran.

Sawirro laga soo qaaday fagaaraha Vali-Asr ee bartamaha magaalada ayaa muujinaya dad badan oo salaad u taagan oo u ducaynaya madaxda wali la la’ayahay.

Dalalka ilaa hadda ku biiray baadigoobka Raisi

Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa ku warantay in “Akinci Drone-ka oo laga leeyahay dalka Turkiga ay soo gashay hawada dalkaasi si ay gacan uga geysato baadigoobka iyo samata bixinta diyaaradii Helicopter-ka ee siday Madaxweynaha”.

IRNA ayaa sidoo kale daabacday khariidad muujinaya in diyaaradan oo ka timid meel u dhow magaalada Van ee dalka Turkiga ay gashay dhulka Iran una sii socotay magaalada Tabriz.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sidoo kale qortay in "Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Akinji ee dalka Turkiga ay ku rakiban yihiin qalab habeenkii wax lagu arko."

Turkiga ayaa horay u shaaciyay in uu kooxda badbaadinta buuraha u diray Iran, waxaana madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadan.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu dalkaas u dirayo diyaarado iyo koox samatabixiyaal oo gurmadka ka qayb qaata.

Igor Levitin, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka, ayaa sheegay isniinta manata in uu la hadlay Mohammad Mokhbar, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Iran, una sheegay in Madaxweyne Vladamir Putin uu bixiyey amar ah in dalkiisu u diri doono laba diyaaradood oo casri ah iyo helikobtero gaar ah iyo 50 samatabbixiyeyaal buuraleyda Tabriz saacad gudaheed.

Sidoo kale Madaxa maamulka xasaradaha ee Midowga Yurub Janets Lenarchic ayaa ku dhawaaqday inay hawl galiyeen nidaamka dabagalka dayax gacmeedka ee Copernicus kadib codsi ka yimid Iran.

Qoraal la soo dhigay boga X ee hore loo oron jiray Twiter ayaa lagu yiri "Sida ku cad codsiga Iran ee caawimada, jawaab celin degdeg ah waxaan kicin doonaa nidaamka raadinta Copernicus."

Waa kuma Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi?

Ibrahim Raisi, waxaa uu dhashay bartamihii bishii December sanadkii 1960-kii, waa 63 sano jir.

Sanadkii 2021-kii ayaa loo doortay madaxweynaha Iiran isku daygiisii labaad.

Waxaa loo arkaa wadaad mayal adag, waxaana loo arkaa inuu yahay nin bedeli kara maalin maalmaha ka mid ah Ayatollah Khamenei, hogaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989kii.

Sannadka 2019-ka, Hoggaamiyaha Sare waxa uu u magacaabay jagada ugu awoodda badan ee madaxa garsoorka, xilkaas oo uu hayey ilaa bilowgii sanadkii 2021-kii.

Ibrahim Raisi, ayaa sidoo kale loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha khubarada, oo ah 88 xubnood oo ka tirsan guddiga culimada ee u xilsaaran doorashada hoggaamiyaha sare ee soo socda.

Sida ku cad natiijada rasmiga ah ee doorashada Iran, wuxuu noqday Madaxweynihii 8-aad ee dalka.

Intii uu xukunka dalka Iiran hayey waxaa uu madaxdii ka horeysay kala mid ahaa sida adag ay isku diidan yihiin siyaasadda Maraykanka iyo Xulufadiisa

Post a Comment

0 Comments