Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay waddo qorshe la xiriira dib-u-soo-celinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Jarmalka, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ku dhowaad 2,000 qof laga yaabo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya bisha soo socota.
Qorshahan ayaa ku soo aadaya xilli Jarmalka iyo dalalka Midowga Yurub ay cadaadis saarayaan dowladaha dalalka ay ka yimaadaan dadka aan haysan sharci ay ku sii joogaan Yurub, si ay uga wada shaqeeyaan dib-u-qaadashada muwaadiniintooda.
Soomaalida ku nool Jarmalka ayaa muddooyinkii dambe wajahaya xaalad la xiriirta siyaasadaha cusub ee socdaalka iyo masaafurinta, gaar ahaan dadka codsiyadooda magangelyo la diiday ama aan haysan sharci rasmi ah oo ay dalka ku sii joogaan.
Si kastaba, tirada 2,000 qof iyo waqtiga saxda ah ee dib-u-celintooda ayaa weli u baahan xaqiijin rasmi ah oo ka timaadda dowladda Soomaaliya ama dowladda Jarmalka. Dowladda Soomaaliya ayaan weli si cad u shaacin faahfaahin dhammeystiran oo ku saabsan qorshaha iyo tirada dadka la filayo in dalka lagu soo celiyo

0 Comments