Shirkadda Apple oo shaacisay iOS 27

 

Shirkadda Apple ayaa si rasmi ah u soo saartay nidaamka cusub ee iOS 27, kaas oo ay ku jiraan isbeddello muuqaal, amni iyo adeegyo cusub oo ku saleysan sirdoonka macmalka ah (AI).

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee nidaamka cusub ayaa ah horumar ballaaran oo lagu sameeyay Siri, kaaliyaha codka ee Apple. Siri ayaa loo sameeyay inay si wanaagsan u fahanto codsiyada isticmaalaha, isla markaana uga jawaabto iyadoo tixgelinaysa waxa ka socda telefoonka

Apple ayaa sidoo kale cusbooneysiisay adeegyada sawirrada, Apple Music iyo Find My, iyadoo lagu daray awoodo cusub oo AI ah iyo fursado dheeraad ah oo loogu talagalay dadka isticmaala iPhone-ka.
iOS 27 ayaa sidoo kale keenaya isbeddello muuqaal ah oo lagu sameeyay nidaamka Liquid Glass, iyo hagaajinno la xiriira waxqabadka, xasilloonida iyo amniga qalabka.
Nidaamka cusub wuxuu ku shaqeyn karaa iPhone-yada ku habboon, balse qaar ka mid ah awoodaha Apple Intelligence waxay u baahan yihiin iPhone-yada cusub ee taageera adeegyada AI-ga Apple.

Post a Comment

0 Comments