Soomaaliya ayaa bilabaysa ETCN: Maxa laga wada ETCN?



 Warbixinno soo baxaya ayaa muujinaya in Soomaaliya lagu wado in lagu dhaqan–geliyo nidaamka cusub ee loo yaqaan Electronic Tracking Cargo Notes (ETCN), kaas oo si ballaaran uga socda dalal badan oo Afrika ah. Nidaamkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu hagaajiyo maamulka iyo dabagalka xamuulka ka soo dega ama ka dhoofaya dekedaha dalka.


Maxay Tahay ETCN?


ETCN (Electronic Tracking Cargo Note) waa shati elektaroonik ah oo lagama maarmaan u noqda dhammaan xamuulka imaanaya dekadaha, kaas oo:

Lagu diiwaangeliyo dhammaan xogta xamuulka (bill of lading, invoice, consignor/consignee, miisaanka & nooca badeecadda).


Lagu sameeyo tracking si ay dowladda u ogaato halka uu xamuulku ka yimid iyo waxa uu sido.


Ka hortaga musuqmaasuqa, qarin xogta xamuulka, iyo khasaaraha cashuuraha.


Si online ah looga buuxiyo kahor inta aan xamuulku u bixin safarka.


Dalal badan sida DRC, Angola, Cameroon, Ghana, Benin, Senegal, iyo Gabon ayaa adeegsan jiray muddo dheer.


Maxaa Looga Baahan Yahay Soomaaliya?

Haddii Soomaaliya hirgeliso ETCN:

Xamuul kasta oo u socda dekedaha Soomaaliya waxaa khasab noqon doona in lagu sameeyo ETCN.


Shirkadaha dhoofinta iyo kuwa keenista badeecadaha waa inay khadka internetka ka dalbadaan.

Waxaa soo baxa ETCN Number oo lagu lifaaqo Bill of Lading.


Badeecad aan lahayn ETCN waxaa lagu joojin doonaa dekedaha ama xadka.


Faa’iidooyinka Laga Filayo

Dakhliga Dowladda oo kordha: Cashuuro luma iyo xog qarsoon oo la joojin doono.


Badbaadada iyo kormeerka xamuulka: Waxyaabaha sharci darrada ah (hub, daroogo, alaab been abuur ah) way fududaan doontaa in la ogaad.


Hufnaan ganacsi: Shirkadaha ayaa helaya nidaam hal meel ah oo lagu xakameeyo dhammaan macluumaadka xamuulka.


Diiwaangelin sax ah: Waxay ka caawinaysaa dowladda qorsheynta dhaqaalaha iyo dekedaha.


Maxaa Welwel Ah Oo La Qabaa?


Shirkadaha soo dejinta iyo kuwa dhoofintu waxay ka walaacsan yihiin:

Kharash cusub oo ku kordha xamuulka.


Hakadka alaabta haddii ETCN aan la helin ka hor inta aan markabku bixin.


Nidaamka oo noqon kara mid si degdeg ah loo dhaqan–geliyo iyadoo aan loogu diyaargaroobin.


Gunaanad


Haddii Soomaaliya ku dhawaaqday ama ku dhawaaqi doonto, ETCN waxay noqon kartaa isbedel weyn oo ku yimaada maamulka dekedaha, iyadoo ujeeddadu tahay hagaajinta amniga, hufnaanta, iyo kobcinta dakhliga dowladda. Haddana, waxay baahi u qabtaa wacyigelin iyo diyaar–garow buuxa si ganacsatadu uga fogaato dhibaatooyin iyo hakad ganacsi.

WQ/. Zakariye Karazaay

Post a Comment

0 Comments