Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay ku dhowaad 120 askari oo, sida ay Puntland sheegtay, tababar ku soo qaatay deegaanka Xanuunbuure ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ka taliso Galmudug.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay wateen laba gaari oo nooca BG ah, waxaana ay kusoo dhaceen bar-koontarool oo ku yaalla gudaha magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ciidamada ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen.
Wararka ayaa sheegaya in askartan galabta loo gudbiyay magaalada Garoowe, halkaas oo la filayo in lagu sameeyo baaritaanno iyo maxkamadeyn. Puntland ayaa ku eedeysay ciidamadaasi inay qayb ka yihiin qorshe lagu qalqal gelinayo amniga Puntland, inkastoo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeymahaasi aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Dhanka kale, magaalada Boosaaso waxaa galabta ka baxay ciidamo badan oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo la sheegay in loo diray gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan toddobaadyada soo socda. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolka.
Dhacdadan ayaa sidoo kale sare u qaadaysa xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay dowladda dhexe ku eedeynaysay tallaabooyin ay ku tilmaantay faragelin iyo cadaadis ka dhan ah maamulkeeda,

0 Comments