Bangladesh: Bas sidday ku dhawaad 40 qof ayaa galay webiga Padma xilli uu fuulayay doonta Rajbari si uu ugu gudbo bariga qaybta kale balse waxa uu galay shil waxaana ku dhintay 24 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka. Bas-ka ayaa ku socday Kushtia kuna sii jeeday Dhaka caasimada, xilli dadku ku soo laabteen shaqadooda kadib ciidda Eid-ul-Fitriga. Qaar ka mid ah rakaabka ayaa biyaha ku dabaashay oo sidaas ku badbaaday, halka qaar kalena ay ku xayirmeen gudaha bas-ka.
Hawlgallo badbaado oo ay hogaaminayeen cutubyada dab-demiska iyo kalluumaysatada ayaa lagu soo saaray maydadka, iyadoo ciidanka, booliiska, iyo ilaalinta xeebaha ay ka qayb qaateen.
Roobab culus iyo qulqul xooggan oo webiga ka jiray ayaa hawlgallada adkeeyay. Dadka dhintay waxaa ku jira 11 haween iyo 5 carruur ah, Bangladesh sanad walba kumanaan qof ayaa ku dhinta shilal waddo iyo doomaha.

0 Comments