Maalin ka dib markii Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho rasmi ah uu ku tagay dalka Masar, kulamana uu la yeeshay dhigiisa Cabdifitaax Alsisi, ayay dowlada Masar ayaa ku dhawaaqday inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya xili xiisad adag ay kala dhaxayso dalka Itoobiya.
Shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ayuu Al-sisi ku sheegay in Masar aysan aqbali doonin xadgudub kasta oo ka dhana Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Masar ayaa si cad u sheegay inay diidan yihiin Is afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayna la dhinac yihiin Soomaaliya.
"Cidna dani uguma jirto in la tijaabiyo dulqaadka Masar oo loo hanjabo walaalaheed", ayuu yiri Madaxweyne Al-Sisi
“Masar waxay ku taagan tahay go’aan adag oo ay ku ilaalinayso amniga Soomaaliya, lama ogolaan doono cid dibadda ka ah oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed ama ammaankooda wax u dhimaysa, waxaan si hagar la’aan ah u garab taagannahay walaalaheen, haddii ay noo yeeraana kama baaqan doono", ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Al-Sisi.
Hadal uu bogiisa twitter ka soo dhigay agaasimaha madaxtooyada Soomalaiya Cabdixakiin Yuusuf ayuu ku yiri: "Dulucda shirka waa isdifaac iyo iskutashi".
Madaxweynaha Masar ayaa xusay in xeerka Jaamacada Carabta oo ay Soomaaliya iyo dalkiisuba xubin ka yihiin uu qabo in wadajir loo difaaco dalkii carbeed ee ay soo food saarto khatar jiritaan, isagoo u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay diyaar u yihiin haddii ay u baahdaan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir dhankastaba ah oo taariikh fog raad raacaya.
‘‘Waxaan gudbinay aragtideena xoogan ee dowlada Soomaaliya, ee ku aadan in dowlada Masar aan ka wada shaqayno sidii loo sii hormarin lahaa arimaha amaanka - gaar ahaan xiligan xasaasiga ee lagu jiro hubanti la,aanta siyaasadeed ee ay keenta Juquraafiyadda gobolka iyo jabinta qawaaniinta calamiga ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh oo kudbad jeedinayay.
"Badda cas waxay muhiim u tahay ganacsiga caalamiga, fursadaha hadda iyo kuwa mustaqbalk. Soomaaliya waxay leedahay qayb muhiim ah oo baddaas ka mid ah, mana oggolaan doono in taako ma mid ah la qaato" ayuu intaas raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa raadinaysa taageero diblomaasiyadeed iyo mid ammaan si ay u maarayso xiisada kaga furan Itoobiya.
Xiisadda saddex geesoodka ah ee ka taagan gobolka
Soomaliya iyo Itoobiya ayaa xiisada u dhaxaysa oo ka dhalatay is-afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobaya ee badda waxaa uu gaaray halkii ugu xumayd.
Muqdisho ayaa qaaday talaabooyin 'xoog leh' oo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay Itoobiya ku caadadiso si ay uga laabato heshiiskaas. Sidaas waxaa qaba xeeldheerayaal arimaha caalamiga ha ka faalooda.
IGAD, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa cadeeyay mowqfikooda ku aadan xiisadda u dhaxaysa labada dal. Waxay ku adkeysteen in aan lagu xadgudbin madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.
Masar iyo Itoobiya ayaa horay waxaa uga dhextagnaa xiisad muddo sanooyin ah socta oo ku saabsan qaybsiga qayraadka biyaha webiga Niil, kaas oo Qaahira si weyn u diidan tahay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhistay halka ay ka yimaadaan biyaha Niilka.
Labada dal - Masar iyo Itoobiya ayaa is dhafsaday hadalo diblomaasiyaeed oo adag, tan iyo markii xiisad cusub ka dhex bilaabatay Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar
Xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa ah mid muddo dheer soo taxnaa, sida ku cad taariikho klaa duwan.
Khubarrada arrimahan darsa ayaa sheegaya in xiriirka labada dal uu soo bilaabmay qarniyo ka hor kaasi oo inta badan ku dhisnaa ganacsi iyo tacliin.
Taariikhda xusidda mudan ayaa ah in Masar ay kamid ahayd saddex dal oo Qaramada Midoobay ay u xilsaaratay in ay kor joogteeyaan madaxbannaanida Soomaaliya sanadkii 1954-tii.
Dowladaha kale ee ay Qaramada Midoobey arrintan u xilsaartay waxaa ay kala ahaayeen Colombia iyo Filibiin.
Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa k mid ah Kamaalu-diin Saalax oo ahaa diblumaasi Masar u dhashay islamarkana ka mid ahaa wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u yimid in ay caawiyaan ee la dilay 1957-dii, xilligii Talyaaniga uu joogay koofurta Soomaaliya.
Socdaalkii ugu dambeeyay ee Madaxwayne Xasan Sheekh ku tagay Masar ayaa ahaa dabayaaqadii bishii July 2022- waxa uu xilligaa xiriirka labada dal ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaa uu gaar ahaan soo hadal qaaday doorkii ay Masar ku lahayd halgankii xorriyadda Soomaaliya, isaga oo si gaar ah farta ugu faqay Kamaalu-diin Saalax iyo doorkiisii.
"Xilligii gobonnimada u dirirki Soomaaliya 1950-yadii ka dib dagaalkii labaad ee aduunka Masar waxay door wayn ka qaadatay xornnimo u dirirkii Soomaaliya, ilaa heer muwaadiniin Masaari ah ay naftooda ku waayeen halgankii xorriyaddii awgii, waxaan mar walba xusuusannahay halyeeygii Kamaaalu-diin iyo doorkii uu ka ciyaaray iyo go'aankii geesinnimada lahaa ee uu qaatay xiiligii gobonnimo u dirirka," ayuu yiri Madaxwayne Xasan.
Markii ay Soomaaliya qaadatay xorriyadda 1960-kii, xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa sii xoogeystay waxaa uuna inta badan xiriirkoda ku dhisnaa arrimaha amniga, waxbarsahad iyo ganacsiga.
Xilligii dowladdii kacaanka ayuu si wayn u sii xoogeystay xiriirkii u dhaxeeyay Masar iyo Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa uu xusay madaxweynaha in markii ay dowladdii Soomaaliya burburtay ay Masar marar badan isku dayday in ay Soomaalida dib u heshiisiin u sameyso inkastoo aysan ku guuleysan.
Dr. Axmed-zaki Faarax Iidle, oo ka faallooda arrimaha Carabta ayaa isna BBC u sheegay in Masar ay hore isugu dayday inay caawiso Soomaaliya.
"Xilliguu burburka ay dowladda Soomaaliya ku dhacday Masar waxay ka mid ahayd waddamadii ugu horreeyay ee Carabta ee shirarkii ugu horeeyay ee Soomaalida isu soo dhaweyntooda qeyb libaax leh ka qaatay" ayuu yiri Dr Zaki.
Masar ayaa hadda u muuqata in ay kaalin mug leh ka ciyaarayso, xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya, ee salka ku haysa heshiiska isfgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.
0 Comments