Maalintii labaad ayuu galay shirka magaalada Kismaayo ku dhexmaraya madaxweynaha dawladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Illo wareedyo ku dhaw shirka ayaa sheegay in labada mas'uul ay kulmeen seddex jeer tan iyo markii shalay shirku bilowday.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wali ku dhaggan aragtida ah in doorashadii Kismaayo ka dhacday Noofeembar 2024 ee Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha Jubaland ay waxba kama jiraan tahay, isla markaan uu ku soo laabto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka.
Axmed Madoobe ayaa isna ku dhaggan in doorashadii dhacday Noofeembar 2024 aan wax gorgortan ah laga gali karin, iyo in laga laabto warqaddii waaranka ahayd ee loo jaray isaga si loo soo xiro, qodobadaas badalkoodadana uu dawladda federaalka kala shaqaynayo geedi socodka dawlad dhiska Soomaaliya.
Lama oga sida dhinacyadu uga tanaasuli doonaan qodobbada ay ku kala dhaggan yihiin iyo haddii meel dhexe la isugu imaan karo, laakiin waxa socda dadaal kale oo barbar socda wadahallada oo ay wadaan xubno ka socda dawladdaha Kenya iyo Itoobiya oo doonaya in heshiis la gaaro.
Khilaafka u dhexeeya dowladda Federalka iyo Jubbaland ayaa muddo soo jiitamayay, wuxuuna soo billowday sanadkii hore markii maamulka Jubbaland ay soo saareen liiska xubnaha guddiga doorashada iyadoo dowladda federalkuna doonaysay in la mideeyo doorashooyinka heer federaal iyo maamul goboleed ee dalka oo dhan.
Markaa kaddib qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha guddaha ayey cambaareysay waxay ku sheegtay "tallaabo sharci darro ah" in Madaxweyne Axmed ku magaacabay guddiga doorashada ee Jubbaland.
Doorashada markii ay dhacday oo lagu doortay Madaxweyne Axmed ayey golaha wasiirrada xukuumada Federaalka sheegeen in doorashada ka dhacday Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay tahay mid sharci darro ah, isaga iyo xubnihii doortayba, waxay dowladdu ugu yeertay Axmed Madoobe "hoggaamiye hore". Dhammaan tallaabooyinkii la xiriiray doorashadaas ayaa xukuumaddu federaalku ku tilmaantay kuwo aan sharciga waafaqsaneyn.
Sidoo kale waxay dowlada federalka sheegtay xilligaas "in dastuurka Jubbaland uu dhigayo in wax labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Axmed Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad".
Khilaafka ayaa ka sii daray iyadoo golaha wasiirrada ay dalbadeen in maxkamad la horgeeyo Axmed Madoobe. Qoraal ka soo baxay golaha wasiirada ayaa sidan lagu sheegay.
"Golaha Wasiirrada waxa uu farayaa garqayaanka guud ee dowladda federaalka Soomaaliya in uu si degdeg ah uga howlgalo horgeynta maxkamadda sare ee dalka dacwad lid ku ah dhammaan talaabooyinka aan waafaqsanyn xeerarka doorashooyinka dalka ee Axmed Madoobe uu qaaday," ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay xukuumadda.
Wixii markaa ka dambeeyay maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka xiriirkoodu wuu sii xumaaday. Waxayna Jubbaland soo saareen 10-kii November sanadkii hore qoraal ay ku sheegeen in ay jareen xiriirkii wada shaqaynta ay la lahaayeen dowladda federalka.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale waxay ku eedeysay maamulka Jubaland in ay ciidamo u daabuleen deegaannada ay dowladdu gaysay ciidamada ee gobolka Jubadda Hoose si ay u dagaallamaan labada ciidan, dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo bishii July ee sanadkan gaar ahaanna magaalada Beled Xaawo ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Dadka ka faallooda arrimaha siyaasada Soomaaliya waxay qabaan in khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe uu inta badan la xiriiro dhanka awoodaha.
"Arrimaha dhabta ah ee la isku hayo Soomaaliya ma ah shakhsiyaadka ee waa marka ay timaaddo awoodda Federaalka iyo awoodda dowlad goboleedyada sida loo kala yeelanayo iyo cidda maamuleysa, kumana koobna oo keliya arrimaha doorashada ee markaad eegto arrimaha amniga, markaad eegto waxbarashada iyo dhammaan hay'adaha dowliga oo is'hayo, murmayo oo aan awoodii heshiis ku ahayn, marka taas un ayay dhabarka ku haysaa", ayuu yiri Maxamed Mukhtar oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya kana hadlayay khilaafaadka dhexmara maamulada iyo dowladda dhexe.
Intii khilaafku Jubbaland iyo dowladda dhexe uu soo baxay, waxaa jirtay ergo ka kooban siyaasiyiin hore xilal ugu soo qabtay Kenya iyo ururada gobolka oo bilaabay dhexdhexaadin dhinacyda si khilaafka loo xalliyo sida qoraallo lagu daabacay bogagga Facebook-ga ay ku sheegeen xafiiska raysalwasaaraha iyo madaxtooyada Jubaland. Maxamed Cabdi Afey, Maxbuub Macallin iyo Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow ayaa ka mid ahaa dadka la sheegay in ay dhexdhexaadinta qeyb ka ahaayeen.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe iska horyimaadaan. Dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa isku khilaafay doorashadii labaad ee maamulka uu qabto.
0 Comments