Ciidamada Puntland oo dagaal ku qaaday saldhigyo ay joogaan Daacish



Ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah Daacish ka fuliyay Dhulka Buuralayda ah ee Gobolka Bari, wararka ayaa sheegaya in ay halkaas ku dagaalameen ciidamadaan iyo kooxdaas.

Khasaaraha labada dhinac kala gaaray lama sheegin, Saraakiil katirsan hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay guullo ka gaareen isla markaana ay gacanta ku dhigeen deegaankii lagu dagaalamay.

Dhanka kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradaha Maraykanka ay duqeymo ka fuliyeen dhulka Buuralayda ah ee Gobolka Bari, ciidanka AFRICOM ayaa duqeymo culus ku garaacay goobahaas la sheegay in ay Daacish ku sugan tahay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Puntland ay xireen Dad ay ku tuhmayaan in ay xiriir la yihiin Daacish kuwaas oo aysan sheegin tiradooda, magacyadooda & halka sida rasmi ah lagu qabtay sababo la xiriira baaris ay ku hayaan.

Post a Comment

0 Comments