Waa kuma Cumar Faatax, Soomaaliga ugu cadcad tartanka duqa magaalada Minneapolis?

 


Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa saacado kadib loo dareerayaa doorashada duqa magaaladaas oo ay u tartamayaan 13 musharrax, waxaase aad ugu cad cad duqa hadda xilka haya ee Jocob Frey iyo sanatorka Soomaaliga ah ee Cumar Faatax.

Jacob Frey ayaa doorashada maanta wajahaya loollan adag oo kaga imaanaya Cumar, tartankan oo muujinaya aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida loo maamulo magaalo xor ah oo wajahaysa dhibaatooyin joogto ah oo isugu jira kuwa ka imaanaya booliiska, dambiyo iyo guryo la'aan.
Frey, oo doonaya in mar saddexaad loo doorto xilka duqa magaalada ayaa waxay is wajahayaan Cumar oo rajaynaya in uu noqdo duqa magaalo ee ugu horreeyay ee Muslim iyo Soomaali Mareykan ah.
Xisbiga Dimuquraadiga dalka Mareykanka laantiisa gobolka Minnesota ayaa bartamihii sanadkan taageeray ololihii Cumar Faatax ee gobolkaas ee uu u tartamayey duqa magaalada Minneapolis.
Xisbiga ayaa ka baaqsaday in uu taageero duqa xilka haya Jacob Frey, oo sidoo kale ah dimuqraaddi ah.
Qoraal uu xilligaas soo dhigay barta X, ayuu Cumar ku sheegay inay sharaf u tahay inuu noqdo musharraxa la ansixiyay ee duqa magaalada Minneapolis.
Gobolka Minnesota ayaa waxaa ku badan Soomaalida isla markaana xilal kala duwan ayay muddooyinkii u dambeeyay ka qabteen gobolkaasi.



Frey ayaa Minneapolis hoggaaminayay xilli qalalaaso ba'an ay ka dhaceen wuxuuna la kulmay dhaleecayn culus ka dib dilkii 2020 ee George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo dhintay ka dib markii sarkaal caddaan ah uu jilibka luqunta kaga dhejiyay.

Laakiin maamulkiisa ayaa markii dambe heshiisyo la galay dowladda dhexe si dib loogu sameeyo waax booliis ah ka dib dhimashadii Floyd.

In kasta oo ay jiraan 15 musharrax oo ku jira warqadda codbixinta, kuwa kale ee kaliya ee soo ururiyay lacag badan waa Rev. DeWayne Davis iyo ganacsade Jazz Hampton.

Dhammaan musharraxiinta ugu cadcad ayaa wacad ku maray inay si adag uga soo horjeesan doonaan Madaxweyne Donald Trump ayna ka hor imaan doonaan dadaalladiisa ah inuu ku wiiqo maqaamka Minneapolis ee ah inay saldhig u tahay muhaajiriinta amaba dadaal walba oo uu Trump ku doonayo inuu ciidan heer federaal ah ugu soo diro magaalada.
Cid walboo guuleysata waxaa u taalla howl adag oo ay ugu horreyso hagaajinta ciidanka magaalada iyo wax ka qabashada dembiyada ka dhaca.

Minneapolis ayaa adeegsata qiimeynta rabitaanka dhanka codbixinta. Haddii warreegga ugu horreeya uusan musharrax kusoo bixin caawa, saraakiisha doorashada ayaa meesha ka saari doona musharraxiinta ugu codka yar iyagoo wareegga labaad iyo kan saddexaad u qoondeyn doona kuwa ugu cadcad illaa guuleyste uu soo baxo.

Waa kuma Cumar Faatax?



Cumar Faatax, oo 35 jir ah, waa Dimuqraaddi, hadda waxa uu mar labaad u tartamayaa inuu noqdo Senator-ka gobolka Minnesota ee degmada 62aad isagoo u tartamaya inuu noqdo duqa xiga ee Minneapolis.
Ninkan oo ku dhashay Washington, D.C, waxa uu sheegay in uu yahay wiil ay dhaleen waaliddiin soo galooti ah oo ka yimid Soomaaliya, dhawaanna uu noqon doono aabbe.
Waxa uu shahaadada ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason, waxaana uu hore uga soo shaqeeyay khabiir ku takhasusay bulshada Minneapolis, iskuduwaha mashaariicda ee Waaxda Gaadiidka ee gobolka iyo falanqeeyaha ganacsiga ee Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay Senator-ka gobolka 2020, Faatax wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo Soomaali Mareykan ah oo ku biira Senate-ka Minnesota. Hore wuxuu sanadkii 2018-kii olole guul-darro ah u galay kursiga senate-ka dowlad-goboleedka, isagoo lumiyay tartankii Dimuqraaddiga oo ay ku guuleysatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Xasan.

Isaga oo u tartamaya duqa magaalada, Cumar waxa uu u aqoonsan yahay hantiwadaag dimuqraaddi ah kaas oo ka mid ah siyaasadaha kale, wacad ku maray in uu wanaajin doono ilaalinta rideshare ee darawallada Uber iyo Lyft, la dagaallanka rabshadaha booliiska iyo kordhinta sahayda guryaha la awoodi karo.

Waxa uu ballan qaaday in uu kor u qaadi doono mushaharka ugu yar ee magaalada oo ahaa $15.97 oo uu gaarsiinayo ilaa $20 marka la gaaro 2028. Mushaharka ugu yar ee Minnesota waa $11.13 hadda.
Waxa uu sidoo kale wacad ku maray inuu is hortaagayo maamulka hadda talada haya ee Donald Trump, oo ay ku jirto inaan loo oggolaan doonin booliiska magaalada inay la shaqeeyaan Hay'adda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE).

Post a Comment

0 Comments