Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si adag u dhaliilay aamusnaanta Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira midnimada Soomaaliya. Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah u xusay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isaga oo sheegay in aamusnaantooda aysan lahayn wax cudurdaar ah, islamarkaana laga sugayo mowqif cad oo mas’uuliyad leh, maadaama ay hoggaamiyaan deegaano door muhiim ah ku leh difaaca midnimada dalka.
Fahad Yaasiin ayaa uga digay in sii socoshada aamusnaanta ay abuuri karto shaki ku saabsan mowqifkooda siyaasadeed, isagoo xusay in hoggaamiyeyaashu waajib ku tahay inay matalaan dareenka iyo wadaniyadda shacabka ay hoggaamiyaan, halkii ay ka hormarin lahaayeen dano gaar ah. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan midnimada dalka iyo mas’uuliyadda hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, iyadoo la sugayo jawaabta Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

0 Comments