Uganda: Xaalad Qaxooti Soomaaliyeed iyo eedeymo Safaaradda



 Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa wajahaysa eedeymo culus oo la xiriira inay ganacsi ay ka samaynayso dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Uganda, kuwaas oo la daala dhacaya duruufo nololeed oo adag. Eedeymahan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, iyadoo la sheegayo in safaaraddu ay door ku leedahay habab aan waafaqsanayn shuruucda qaxootinimada ee caalamiga ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in safaaraddu ay bilowday inay dadka ku dhiirrigeliso inay sameystaan baasaboorka Soomaaliya iyo kaarka aqoonsiga qaranka ee NIIRA. Si Arrintan ay dadkaasi si fudud ugu helaan kaarka qaxootiga ee muddada dheer xayiran kaas oo ay wada bixiyaan UNHCR iyo Dowladda Uganda.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli hay’adaha UNHCR iyo Dowladda Uganda ay adkeeyeen nidaamyada diiwaangelinta qaxootiga, sababo la xiriira eedeymo laaluush, musuq iyo dad Soomaaliyeed oo sharci ka haysta dalal kale oo deris ah balse haddana doonaya inay helaan kaarka qaxootinimo.
Tani sida ay khubaradu sheegayaan, waa arrin ka hor imaanaysa mabaa’diida qaxootinimada, maadaama qof qaxooti ah uusan dib u qaadan karin ama u adeegsan karin dukumiintiyada rasmiga ah ee dalkii uu ka soo qaxay, haddii uu weli sheeganayo xaalad qaxootinimo.
Xeerarka UNHCR iyo shuruucda Dowladda Uganda ayaa si cad u mamnuucaya in qof qaxooti ah mar kale dib u qaato sharciga dalkiisa hooyo, maadaama arrintaasi ay la micno tahay in qofkaasi uu ka tanaasulay xaaladdii qaxootinimo, isla markaana aanu mar dambe u baahnayn ilaalinta caalamiga ah.

Sidaas darteed, tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa qodobadan waxay keeni kartaa in qofka laga laabto ama laga joojiyo xuquuqda qaxootinimo.
Ugu dambeyn, eedeymahan loo jeedinayo Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa abuuray walaac ballaaran oo ku saabsan masiirka qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana la sugayaa in hay’adaha ay khusayso ay sameeyaan baaritaanno madax-bannaan si loo xaqiijiyo runta arrintan, loona ilaaliyo xuquuqda iyo sharciyadda dadka qaxootiga ah.
✍️ Zakariye Karazaay

Post a Comment

0 Comments