Mahad Salaad oo baadi goobayo rag liiskooda uu qortay


Warbaahinta Dhacdonews ayaa heshay nuqul ka mid ah rag oo qortay liiskooda Taliyaha Nabad Sugida iyo Qaran Sirdoonka Dowlada Soomaaliya Mahad Salaad kaasi uu ku ugaarsanayo Siyaasiin ka tirsana Dowladii Madaxwayne Maxamed Abdulahi Farmaajo.

Nuqulka liiskaan u soo qortay Taliyaha ayaa waxaa xaqiijiyay sargaal ka tirsan nabad sugida oo aan magaciisa ogolaansho aanan u haysan inaa faafino, liiskaan uu Mahad Salaad u gaarsanayo waxaa ku jira dad Farmaajo aad ugu dhow iyo sido kale ka tirsan nabad iyo nolol islamarkaana joogo gudaha dalka iyo dibadiisa.

Liiska ugu horeeyo waxaa ka mid ah Raysal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo Farmaajo aad ugu dhawaa islamarkaana xalin jiray khilaafaadka dhanka beelaha Hawiye kaso wajoho Madaxwayne Mohamed Abdulaahi Farmaajo.

Sido kale liiska waxaa ku jira Taliyihii hore ee nabad sugida qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji oo dhawaan waraysi uu bixiyay ku sheegay in Mahad Salaad uu la shaqeeyo Dagaalyahanada Al-Shabaab islamarkaana uu ka tirsan yahay kooxda ku dhawaad 10,sano.

Waxaa sido kale liiska kaso dhex muuqday Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu magacaabo Abdullaahi Kulane oo lo yaqaano jiis Mareexaan kaasi oo ka mid ahaa saarkiishii hay’adda nabad sugida qaranka Soomaaliya dowladii Farmaajo.

Dadka kale liiskaan ku jira waxaa ka mid ah gudoomiyaha gobalka banaadir ee wali hada joogo xilka Cumar Finish, waxaa sido kale ku jira gudoomiyaha dhinaca amniga iyo Siyaasada gobalka banaadir Cali Yare Abdi


Post a Comment

0 Comments