Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u furtay Safaaradeedii dalka Ruwaanda oo mudo sodon sano iyo xogaa xirneed.
Furitaanka Safaarada ayaa ka danbeeyay heshiis dhex maray Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya iyo Ruwaanda 26kii janaayo ee sanadkaan.
Sahra Cali Xasan oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Ruwaanda ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo 26kii bishaan ku wareejisay Madaxwaynaha Ruwaanda Paul Kagame.
Danjire Sahra ayaa maalin ka hor inta aysan Madaxwaynaha ku wareejin warqadaha aqoonsiga wexe noqol ka mid warqadaha ku wareejisay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ruwaanda.

0 Comments