Dhalinyaro Soomaaliyeed oo uganda u socotay oo la dilay



 Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa la dilay 5 kalena waa la dhaawacay ka dib markii weerar lagu qaaday gaari yar oo ay wateen dhalinyaro Soomaali ah u socday wadanka Uganda oo qaxooti ah.

Dhalinyaradaan ayaa kaso baxay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya waxaana weerar ku so qaaday koox tuugo ah markii ay marayeen deegaanka kakamega oo ka tirsan Kenya.

Kooxdaan tuugada ah ayaa baangado ku weeraray dhalinyaradaan Soomaaliyeed oo ka kooban 11 ruux waxaana la xaqiijiyay inay dhimatay 6 ka mid ah halka kuwa kalena la dhaawacay.

Dhalinyaradaan ayaa ahaa kuwa qaxooti ah islamarkaana ka diiwaangashnaa Uganda waxaana ay heleen visaha dalka ku galka Canada 🇨🇦.

Wadanka Kenya tan iyo markii Baarlamaanka la horgeeyay sharciga kordhinta canshuurta oo ay ansaxiyeen waxa wadanka ka bilowday qalalaaso dhanka aminga dadka shacabka ah ee kenyanka ah ayaa bilaabay inay sameeyaan dhacdooyin naar ah oo aan looga baran.

Post a Comment

0 Comments