Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar Soomaaliya ay iyada ku maamulaneyso arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha taas oo markii hore khabiir ka socday golaha uu maamulayay. Khabiir madax-bannaan ayaa howsha xuquuqul insaanka maareynayay laga soo bilaabo sanadkii 1993-dii markaas oo arrimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya la hoos geeyay Qaramada Midoobay.
Kulan loogu codeeyay in Soomaaliya in ay la wareegto howlaha xuquuqda aadanaha ee dalkeeda oo ka dhacay magaalada Geneva ee Switzerland ayaa lagu go'aamiyay in meesha laga saaro khabiirka madaxa-bannaan ee qaabilsanaa xuquuqda aadanaha Soomaaliya kaas oo Qaramada Midoobay u soo diri jirtay labadii sano mar.
Arintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay Soomaaliya dib ugu soo ceshaneysay howlo dibadda laga maamulayay.
Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Maxamed Bashiir Cusmaan ayaa BBC-da u sheegay wixii hada ka dambeeya in xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqul Insaanka uu ula dhaqmayo Soomaaliya sida dalalka kale ee adduunka.
Agaasimaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneysay in howlaha xuquuqul insaanka ee dalkeeda ay iyada u madax-bannaanaato sidaa darteedna ay qaaday tallaabooyin lagu gaarayo taas.
"Markii aan ku guuleysanay in aan buuxino shuruudihiii oo dhan, Soomaaliya soojeedinteedi waa la aqbalay oo aheyd in laga kor qaado khabiirka madaxa-bannaan".
In Soomaaliya ay howlaha xuquuqul Insaanka dalkeeda iyada la socoto ayaa uga dhigan in loola dhaqmayo sida dalalka kale ee adduunka.
"Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul weyn, in aad gudato waajibaadkaaga caalamiga waxay u dhigan tahay in dowladnimadaada iyo hay'adahaaga ay xoogeysteen ama aan la mid nahay adduunaydii kale".
Inta aan la gaarin go'aankan waxa uu sheegay agaasime Maxamed Bashiir in ay uga dhigneyd sida dad aan go'aankooda gaari karin.
"Waa dareemi kartaa waxa u dhexeeya qof loo ahaa afhayeen oo aan haysan madax-bannaanidaas iyo qof arrimahiisa iyo masiirkiisa go'aaminaya".
Agaasime Maxamed Bashiir wuxuu kaloo noo sheegay in iyaga ay warbixinta saxda ee ka turjumeysa xaalada xuquuqda aadanaha dalka ay gudbiyeen sanadkan.
"Sanadihii hore ee la soo dhaafay, khabiirka madaxa-bannaan marka uu warbixinta bixinayo- maadama sand walba loo cusbooneysiinjiray- in uu warbixin fiican sameeyo ayuu yeeli jiray, sanadkii hore markii uu ogaaday arrintan, warbixin aan ka turjumeyn xaqiiqda gudaha ka jirta ayaa la soo bandhigay, anaga midda saxda oo dalka ka jirtay ayaan soo bandhignay" ayuu yiri agaasime Maxamed Bashiir oo intaas ku daray, "waxa uu qorshuhu yahay in booliska la sii xoojiyo, in la tababaro la siiyo si waxyaabaha lagama maarmaanka ay tahay in ay fiiriyaan ula socdaan marka ay wajibkooda gudanayaan oo aysan ku xadgudbin muwaadiniintooda".
Qaraarkan ayaa lagu sheegay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya hore u qaaday. Muddo dheer ayuu khabiir madax-bannaan howshan kala shaqeynayay xafiiska xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay.
Sida ay sheegtay wakiilka xuquuqul insaanka UK u fadhiya Geneva, Eleanor Sanders in tani ay ka turjumeyso horumarka iyo awooda hay'adaha Soomaaliya ee sii kordheysa. Waxayna sheegtay in ay u baahan yihiin in ay iskaashi la yeeshaan caalamka.
"Waxaan si gaar ah u soo dhaweyneynaa sida ay Soomaaliya uga go'an tahay in la dhiso guddi qaran ee xuquuqul insaan oo madaxbannaan kaas oo muhiim ah u ah ilaalinta xuquuqaha, horumarinta, isla-xisaabtanka iyo in ay matalaan Soomaaliya oo dhan" ayey tiri Eleanor Sanders.
Sidoo kale waxay u mahadcelisay khabiirka madaxa-bannaan kaas oo taageero iyo baaris sameeyay.
Isbaddelkan cusub ee loogu wareejiyay Soomaaliya arrimaha xuquuqul insaanka ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo taageeri lahaa howlaha xuquuqul Isnaanka Soomaaliya, in lala socda, lagana soo saaro warbixino guud.
Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya hay'ado badan ayaa maamulkooda la hoos geeyay Qaramada Midoobay si ay ula socdaan dalka maadama ay meesha ka baxday dowladii shaqadaas qaban laheyd. Arrimaha xuquuqul insaanka iyo arrimo kale ayaa ka mid ahaa kuwa dibadda Soomaaliya laga maamulayay.
0 Comments