Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wejiga koowaad ee heshiiskii nabadeed ee Gaza la gaaray, taasoo la micno ah "Dhammaan la haystayaasha la sii dayn doonaa dhawaan"
Heshiiska ayaa waxa qeyb ka ah xabbad joojin, ka dibna la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa'iil si loogu beddelo maxaabiista Falastiiniyiinta, iyo in ciidammada Israa'iil laga saaro qaybo ka mid ah Gaza.
Isagoo la hadlayay Fox News, Mr Trump wuxuu sheegay in la haystayaasha la sii daaynayo Isniinta. Waxa uu xusay in Bariga Dhexe ay isu yimaadeen, Gazana dib loo dhisi doono, iyadoo dadka la daryeelayo.
"Aad ayaan ugu kalsoonahay in nabad laga islaaxin doono Bariga Dhexe."
Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso loola dhaqmi doono si cadaalad ah, taasina ay tahay tillaabooyinka ugu horreeya ee lagu gaari karo nabad xooggan oo waarta.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa heshiiska ku tilmaamay "maalin ku weyn Israa'iil" wuxuuna isugu yeeri doonaa dowladda maanta si loo ansixiyo.
Xamaas ayaa xaqiijisay heshiiska waxayna ugu baaqaysaa Trump iyo wadamada ay khusayso inay ku qasbaan Israel inay si buuxda u raacdo heshiiska.
Wasiirka difaaca ee Israa'iil Israel Katz ayaa war ka soo saaray heshiiska.
Qoraal uu soo dhigay barta uu X ku leeyahay, Katz waxa uu sheegay in sii daynta la haystayaasha ay tahay "farxad", wuxuuna u mahad celiyay madaxweynayaasha Israa'iil iyo Maraykanka.
Waxa uu sidoo kale u mahad celiyay ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) kuwaas oo " geesinimadooda, go'aankooda, iyo naf-hurnimadooda baaxadda leh, noo keenay xilligan weyn ayuu yiri".
Xabbad joojintu waxay dhaqan geli doontaa isla markiiba ka dib markii ay ogolaato dawladda Israa'iil abbaaraha 14:00 wakhtiga Qudus , waxaa sidaasi BBC u sheegay sarkaal sare oo Falastiini ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto "fulinta buuxda" ee heshiiska iyo sidoo kale kordhinta bixinta gargaarka bini'aadanimo iyo horumarinta dadaalka dib u dhiska ee Gaza.
Guterres ayaa sidoo kale ku booriyay dhammaan dhinacyada inay adeecaan shuruudaha heshiiska oo ay ku jiraan sii deynta la haystayaasha Israa'iil, u hoggaansanaanta xabbad-joojin joogto ah, iyo in si degdeg ah loo oggolaado gaarsiinta gargaarka bini'aadanimo ee Gaza.
Australia ayaa dhankeeda soo dhaweysay wejiga koowaad ee heshiiska nabadeed ee Gaza ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas.
"Kadib in ka badan laba sano oo colaad ah, la haystayaal la haystay iyo khasaare ba'an oo nolosha rayidka ah, tani waa tallaabo aad loogu baahan yahay xagga nabadda," ayuu ku yiri qoraal Ra'iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese uu soo saaray.
Wadahadallada Masar ayaa imaanaya labo sano iyo labo maalmood kadib markii Israa'iil ay olole militari ka billowday Gaza, taasoo jawaab u ah weerarkii 7-dii October 2023, kaas oo rag hubeysan oo Xamaas ka tirsan ay ku dileen illaa 1,200 oo qof ayna afduub ahaan u qabsadeen 251 kale.
Tani waa wajigii koowaad ee qorshe labaatan qodob ka koobnaa ee uu Trump ku dhawaaqay todobaadkii hore.
Ugu yaraan 67,183 ayaa lagu dilay howlgallada militariga Israa'iil ee Gaza tan iyo markaas, oo ay ku jiraan 20,179 carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Inkastoo rajada laga qabo in tani ay horseedi karto joojinta dagaalka laba sano ka dib, waxaa weli loo baahan yahay in laga hadlo faahfaahin muhiim ah, oo ay ku jiraan qorshaha cidda maamuli doonta Gaza iyo mustaqbalka Xamaas.
0 Comments