Maanta oo kale toddobadii October sanadkii 2023-kii, weerar aan horrey loo arag ayey ku waabariisatay Israa’iil kaas oo ay ku qaadeen gudaha Israa’iil dagaalyahano ka tirsan kooxda hubaysan ee Xamaas.
Xamaas ayaa weerarkaas u adeegsatay baldoosarro, mootooyin iyo baarashuut iyagoo ku dhiirraday ciidamada ugu awoodda badan Bariga Dhexe.
Weerarkii 7-dii October oo dhacay ayaa ahaa kii ugu ba'naa ee lagu tijaabiyo difaaca Israa'iil tan iyo dagaalkii Carabta sanadkii 1973, waxaa ka horreeyay labo sano oo ay Xamaas is gaabineysay oo ay qarineysay qorshooyinka milatarigeeda iyadoo Israa'iil ku qancineysa inaysan dagaal diyaar u ahayn.
Iyadoo Israa'iil laga dhaadhiciyay in kooxda Xamaas ay iska sii jeedineyso maaddaama ay taageero dhaqaale siineyso shaqaalaha Qasa, ayaa dagaal-yahannada kooxda lasii tababarayay loona sameynayay dhoollatusyo, sida il laga soo xigtay Xamaas oo ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.
Ku dhawaad 1,200 oo qof ayaa lagu dilay weerarka Xamaas, ku dhawaad 250 ruux oo Israa’iiliyiin ah ayaa la qafaashay waxaana loo qaaday marinka Qasaa. Israa’iil waxay ku tilmaamtay weerarkaas mid argagixisanimo oo bahalnimo ahaa.
Israa’iil ayaa jawaab ka bixisay weerarka iyadoo duqaymo xiriir ah ku qaaday magaalada Qasa halkaas oo ay ciidamada Israa’iil sheegeen inay “xididdada u sii bayaan ururka Xamaas”.
Dagaalka ayaa dhaliyey khasaare ballaaran oo soo gaaray rayidka sida ay sheegeen hay’addaha Qaramada Midoobay basle Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ku adkaysatay inay doonayaan inay tirtiraan Xamaas si aysan mar kale halis ammaan ugu noqon Israa’iil.
Maraykanka, UK iyo dalalka xulufada la ah ayaa billowgii taageero u muujiyey Israa’iil iyagoo cambaareeyey weerarka Xamaas ay ku dishay dadka rayidka ah.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Raysal Wasaarahii UK Rishi Sunak, Olef Sholz oo Jarmalka ayaa dhammaantood gaaray Tel Aviv si taagaradooda ugu muujiyeen Israa’iil.
Intii lagu guda jiray sanadka dagaalka, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay dibad baxyo ballaaran oo gudaha ah oo ay ku dalbanayeen in la heshiiyo la-heystayaal la isku weydaarsado Xamaas, dibad-baxayaashu waxay marar badan ugu baaqeen inuu xilka iska casilo oo uu qabto doorashada baarlamaanka.
Wasaaaradda Caafimaad ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ka badan afar kun oo rayida lagu dilay colaadda Qasa.
Heshiiskii maxaabiis iswaydaarsiga Xamaas iyo Israa’iil
Bishii Nofember 2023, Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey maxaabiis is dhaafsi, 50 ka mid ah la haystayaashii lagu haystay Qasa ka dib hakin dagaal oo afar maalmood ah.
Heshiisku waa in sidoo kale uu ka mid ahaadaa in 150 haween iyo carruur Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa'iil oo la sii daayo iyo kordhinta gargaarka bini'aadannimo ee loo oggolaaday Qasa.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in heshiiskani uu soo afjari doono dhibaato aan la soo koobi karin oo lagu hayo la haystayaasha sidoo kalana uu yaraynayo dhibaatada qoysaska Falastiiniyiinta ah ee aan waxba galabsan.
Dawladda Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay dhammaystiri doonto dagaalka ay ku doonayso in ay ku baabi’iso Xamaas oo ay dib ugu soo celiso in ka badan 200 oo la haystayaal ah oo ay kooxda Xamaas ku qafaasheen weerar ka dhacay koonfurta Israa’iil toddobadii Oktoobar oo ay ku dhinteen 1,200 oo qof.
Xamaas oo Israa’iil, Maraykanka iyo quwadaha kale ee reer galbeedka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso ayaa sheegtay in heshiiskani uu Falastiiniyiinta siin doono waqti ay ku soo kabtaan.
Isku dayadiii lagu doonayey in dirirta lagu joojiyo
Muddadaas labada sano ah ee dagaalka Qasa uu socday waxaa jiray dadaalo caalami ah oo lagu doonayey in colaadda lagu joojiyo laga sameeyo in maxaabiista la is waydaarsado.
Maraykanka, Qadar iyo Masar ayaa qaatay door dhexdhexaadin ah oo la doonayey in dhinacyada lagu qanciyo in la gaaro xabad joojin si fursad loo siiyo in la haystayaasha reer Israa’iil dib loogu guryo celiyo dalkooda basle taas ayaa u muuqatay inay dhicisowday.
Wadahadallo aan toos ahayn oo lagu doonayo in heshiis dhammeystiran laga gaaro qorshaha nabadeed ee Mareykanka uu ku joojinayo dagaalka Qasa ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Talaado ah ka sii socdo magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.
Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Masar ayaa BBC-da u sheegay in fadhiyada diiradda lagu saarayo "abuurista xaaladaha" in la is dhaafsado in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa'iil si loogu beddelo tiro maxaabiis ah oo Falastiiniyiin ah.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa Sabtidii sheegay in uu rajeynayo in uu ku dhawaaqo sii deynta la haystayaasha "maalmaha soo socda".
Iyadoo mas'uuliyiintu ay kulmeen Isniintii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Aqalka Cad: "Runtii waxaan haysannaa fursad wanaagsan oo aan heshiis ku gaarno, wuxuuna noqon doonaa heshiis waara."
Dilkii Ismaaciil Haniyah iyo Yaxye Sinwar
Iiraan ayaa sheegtay in Ismail Haniyeh iyo ilaaladiisa lagu dilay guriga martida oo ku yaalla waqooyiga Tehran bartamihii sanadkii hore, xilligaas oo ku dhaweyd waabirigii saaka, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday, gantaal laga soo ganay meel ka baxsan xudduudaha Iran.
Haniyeh ayaa la dilay isagoo booqanaya caasimadda Iiraan ee Tehraan, July 2024, kadib weerar ay Israa'iil sheegtay inay fulisay.
Weerarku waxa uu su’aal geliyey hay’adaha ammaanka Iiraan iyo sida ay ula dhaqmayaan falalka noocan ah ee Israa’iil ka geysaneyso gudaha Iran.
Markii danbe waxaa Ismaaciil Haniyah lagu aasay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Dilkii Haniyeh ka dib Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay hoggaamiyahoda u doorteen Yaxye Sinwar, oo tan iyo 2017 soo ahaa hogaamiyaha Xamaas ee Qasa.
Sinwar waxaa qudhiisa dilay askarta Difaaca Israa'iil (IDF) ee Qasa bishii Oktoobar 2024.
Waxa uu ahaa naqshadiyihii weeraradii 7-dii October, waxaana uu ahaa ninka loogu doonista badnaa Israa'iil.
Dhowr taliyeyaal sare oo Xamaas ah ayaa Israa'iil dishay tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Maxay yihiin Xamaas waana maxay ujeeddadooda?
Xamaas waxay ku bilaabatay koox ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin sannadkii 1987. Magaceeda waxaa loola jeedaa Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamka.
Waxa ay ka soo horjeedaa jiritaanka Israa'iil waxa ay ku sheegtay dhulka Falastiin. Waxay doonaysaa dawlad ku salaysan Islaamka oo ka dhalata meesheeda iyo guud ahaan Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Qudus iyo Qasa.
Si kastaba ha ahaatee, waxay muujisay rabitaankeeda ku-meel-gaarka ah ee Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Qasa, iyada oo aan ka tanaasulin sheegashada Falastiiniyiinta taariikhiga ah.
Kahor weeraradii 7-dii Oktoobar, Xamaas waxaa lagu qiyaasay in ay heystaan ilaa 30,000 oo dagaalyahan, balse Israa'iil ayaa sheegtay Agoosto 2024 in ciidamadeedu ay dileen in ka badan 17,000 oo ka mid ah. Tan si madax banaan looma xaqiijin karo.
Xamaas ayaa noqotay maamulka kaliya ee ka taliya marinka Qasa 2007-dii, kadib markii ay ku guulaysteen doorashooyinkii Falastiiniyiinta, isla markaana ay si xoog ah uga eryeen kooxihii ka soo horjeeday.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ayaa sababay in kaabayaashii kooxda iyo awooddii ay si cad ugu shaqayn lahayd ay dhamaantood burbureen.
0 Comments