Xukuumadda Puntland ayaa guud ahaanba beenisay inay maamulka Somaliland kala hadashay arrimaha maamulka Waqooyi Bari Somalia, kadib kulan shalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa, oo qayb ka ahaa waftiga Puntland ee ku sugan Nairobi ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay kaliya ka arrinsadeen nabadaynta iyo arrinta Ceerigaabo aysanna waxba ka jirin warka uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Somaliland.
”Arrinta Laascaanoodna ka ma mid ahayn wadahadalka Somaliland iyo Puntland,War dawlo warqad buu ku yaallaa. Annagu waxa aannu ka wada hadalnay la dagaalka argagixsada iyo xoojinta nabadda Ceerigaabo, isu socodka iyo ganacsiga dadka. Mowduuc kale oo aan ka wada hadalnay oo miiska yaallay ma jiro”, Ayuu yiri Wasiir Juxa ‘
0 Comments