Ciidanka Israa’iil iyo Fariin Xadgudub Ku Ah Rayidka Gaza



 Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada ayaa si weyn u hadal haya askari ka tirsan ciidanka Israa’iil oo lagu eedeeyay inuu ku jees-jeesay shacabka reer Gaza, kadib markii uu farriin la xiriirta Kirismaska ku qoray hub culus oo loo adeegsaday duqeymo ka socda Marinka Gaza. Farriintaas ayaa dad badan ku tilmaameen mid muujinaysa ku-takrifal, qalbi-adayg iyo u dabaaldegidda dhimashada shacabka rayidka ah.

Falkaan ayaa dhaliyay caro ballaaran, iyadoo ururo xuquuqul insaanka iyo dad badan oo caalami ah ay cambaareeyeen dhaqanka askariga, kuna tilmaamay mid sii hurinaya naceybka iyo xadgudubyada ka dhanka ah rayidka. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Gaza ay wajahayso xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran, taas oo sii xoojisay baaqyada lagu dalbanayo in la ilaaliyo sharciga caalamiga ah ee dagaalka iyo xuquuqda aadanaha.

Post a Comment

0 Comments