Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta qalinka ku duugay saddex xeer oo muhiim ah kaddib markii ay horey u ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka Jubaland. Xeerarkan ayaa lagu tilmaamay kuwo wax weyn ka tari doona nidaaminta adeegyada dowliga ah iyo horumarinta nolol-maalmeedka bulshada.
Xeerarka la saxiixay waxaa ka mid ah xeer wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka maareynta dhulka magaalooyinka, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska, xeerka nabadgalyada guud ee wadooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo xeerka xirfadlayaasha caafimaadka, oo ay diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kaas oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo tayada iyo nidaamka shaqaalaha caafimaadka ee Jubaland.

0 Comments