Ciidamada ilaalada xuduudda Suuriya ayaa sheegay inay xireen koox dad ah oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga soo tallaabeen xuduudda, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin nidaamkii hore ee Bashar al-Assad. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay shaqsiyaadkan kadib xog sirdoon oo muujinaysay isku day ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan amniga gudaha dalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka la qabtay hadda lagu wado baaritaanno dheeraad ah si loo xaqiijiyo ujeeddadooda iyo cidda ka dambeysa soo gelitaankooda. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay Suuriya xoojinayso ammaanka xuduudaheeda, iyadoo dowladda ay sheegtay inay si adag ula tacaaleyso koox kasta oo halis ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

0 Comments