Kenya: gudiga musuqmaasuqa oo Xiray Saddex Askari tarafika ah


 

Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya (EACC) ayaa xiray saddex askari oo ka tirsan booliska taraafikada kaddib howlgal ay ka fuliyeen waddo mashquul ah, halkaas oo lagu qabtay iyagoo laaluush ka qaadanaya darawallada. Saraakiisha EACC ayaa sheegay in askarta laga helay lacag waraaqo laablaaban ah oo lagu tuhunsan yahay in ay ka heleen wadayaasha gaadiidka si ay uga dhaafaan dambiyo taraafikada la xiriira.

EACC ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka dambeysay cabashooyin badan oo ay soo gudbiyeen darawallo, kuwaas oo ka cabanayey ku-takrifal awoodeed iyo musuqmaasuq. Guddigu wuxuu xaqiijiyay in askarta la xiray lagu wado baaritaan, isla markaana la horgeyn doono maxkamad haddii dambiga lagu helo, shacabka ayaa lagu boorriyay inay soo sheegaan fal kasta oo musuqmaasuq ah.

Post a Comment

0 Comments