Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay, ku dhowaad 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii tareen rakaab siday uu ka baxay khadka tareenka ee gobolka Oaxaca ee koonfur-galbeed Mexico, sida ay xaqiijiyeen ciidanka badda ee dalkaas. Tareenka oo ka imaanayay Gacanka Mexico kuna sii jeeday Badweynta Baasifigga ayaa siday 241 rakaab ah iyo 9 shaqaale, waxaana la sheegay in 98 qof ay dhaawacmeen, halka 36 ka mid ah lagu dabiibayo isbitaallo. Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Nizanda, xilli tareenku uu leexanayay.
Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa sheegtay in shan ka mid ah dhaawacyada ay xaaladdoodu halis tahay, waxaana la xusay in mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Ciidanka Badda ay ku wajahan yihiin goobta shilka. Sawirro laga helay goobta ayaa muujinaya shaqaalaha gurmadka oo caawinaya rakaabka, iyadoo tareenka uu ka baxay jidkii tareenka isla markaana uu qayb ahaan uga dhacay meel buur ah.
Tareenka shilku haleelay ayaa ahaa mid ka tirsan khadka tareenka Interoceanic, kaas oo isku xira dekedda Salina Cruz ee Baasifigga iyo Coatzacoalcos ee Gacanka Mexico.

0 Comments