Maraykanka: ICE oo xirtay 1,500 muhaajiriin sharci-darro

ICE: In ka badan 1,500 muhaajiriin sharci-darro ah oo dambiyo culus galay ayaa lagu xiray Minnesota

Minneapolis, Minnesota. Hay’adda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (ICE) ayaa sheegtay in ay xirtay in ka badan 1,500 muhaajiriin sharci-darro ah oo galay dambiyo culus intii lagu guda jiray howlgal gaar ah oo loo bixiyay Operation Metro Surge.
Howlgalkan ayaa ka socday gobolka Minnesota, oo ah gobol loo aqoonsaday sanctuary state, isla markaana uu hoggaamiyo Guddoomiye Tim Walz. ICE ayaa hadda bilowday in ay shaaciso magacyada iyo dambiyada qaar ka mid ah muhaajiriinta la qabtay, kuwaas oo ay ku jiraan dilayaal, kufsade carruur, iyo dambiilayaal halis ah.
Hay’addu waxay sheegtay in inta badan dadka la xiray ay ka yimaadeen dalal ay ka mid yihiin Laos, Soomaaliya, Suudaan iyo Mexico, isla markaana ay horey u haysteen amarro masaafurin oo lagu amray inay dalka ka baxaan sannado badan ka hor.
Inkasta oo ay jireen amarro masaafurin, haddana muhaajiriintan ayaa si xor ah ugu dhex socday waddooyinka Minneapolis, iyadoo dibadbaxayaal ka soo horjeeda ICE ay ku tilmaamayeen “deris”.
Qaar ka mid ah dambiilayaasha la qabtay:
Sriudorn Phaivan (Laos) – Lagu helay kufsi iyo falal galmo oo xoog ah oo uu u geystay wiil iyo gabar; amar masaafurin tan iyo 2018.
Tou Vang (Laos) – Lagu helay kufsi ilmo ka yar 13 sano iyo ka ganacsiga carruurta amar masaafurin tan iyo 2006.
Chong Vue (Laos) – Lagu helay kufsiga gabar 12 jir ah iyo afduub ujeeddo galmo amar masaafurin tan iyo 2004.
Ge Yang (Laos) – Lagu helay kufsi, weerar hubaysan iyo ceejin amar masaafurin tan iyo 2012.
Pao Choua Xiong (Laos) – Lagu helay kufsi iyo taabasho carruur amar masaafurin tan iyo 2003.
Kou Lor (Laos) – Lagu helay kufsi hubaysan iyo xadgudub galmo amar masaafurin tan iyo 1996.
Hernan Cortes-Valencia (Mexico) – Lagu helay kufsi ilmo iyo wadis isagoo sakhraansan; amar masaafurin tan iyo 2016.
Abdirashid Adosh Elmi (Soomaaliya) – Lagu helay dil (homicide).
Gilberto Salguero Landaverde (El Salvador) – Lagu helay saddex dil; amar masaafurin tan iyo Juun 2025.
Gabriel Figueroa Gama (Mexico) – Lagu helay dil; horey ayaa loo masaafuriyay 2002.
Galuak Michael Rotgai (Suudaan) – Lagu helay dil.
Thai Lor (Laos) – Lagu helay laba dil; amar masaafurin tan iyo 2009.
Mariana Sia Kanu (Sierra Leone) – Lagu helay laba dil; amar masaafurin tan iyo 2022.
Aldrin Guerrero Munoz (Mexico) – Lagu helay dil amar masaafurin tan iyo 2015.
Abdirashid Mohamed Ahmed (Soomaaliya) – Lagu helay dil aan kas ahayn (manslaughter); amar masaafurin tan iyo 2022.
Mongong Dual Maniang Deng (Suudaan) Lagu helay isku day dil, hub haysasho iyo wadis sakhraan.
Aler Gomez Lucas (Guatemala) – Lagu helay dil shil gaari ah iyo amar masaafurin tan iyo 2022.
Shwe Htoo (Myanmar) – Lagu helay dil shil ah.
ICE ayaa sheegtay in howlgalkani uu yahay mid lagu ilaalinayo ammaanka shacabka, isla markaana lagu bartilmaameedsanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah ee galay dambiyo halista ah.
Zakariye Karazaay







Post a Comment

0 Comments