Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u joojisay qayb ka mid ah gargaarkii bani’aadannimo ee ay siin jirtay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday musuqmaasuq ballaaran oo lagu sameeyay raashinkii ay Hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP ugu talagashay dadka masaakiinta ah ee u baahan kaalmada degdegga ah.
Bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in falalkaas ay yihiin “wax aan la aqbali karin”, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayaan kalsoonidii caalamku ku qabay nidaamka gargaarka Soomaaliya. Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in raashinka loogu talagalay dadka nugul aan loo adeegsan karin dano gaar ah, ganacsi ama musuqmaasuq siyaasadeed.
Sida warbixinta lagu sheegay, gargaarka hadda la hakiyay wuxuu saameynayaa qoysaska danyarta ah ee aan awoodin inay helaan raashin ku filan, taasoo sii adkeyn karta xaaladda nololeed ee malaayiin Soomaali ah. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan uusan ahayn mid ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, balse uu yahay tallaabo lagu ilaalinayo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Dhanka kale, waxaa horey loo joojiyay gargaarkii raashinka ee ciidamada Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay raashinkaas ka iibiyeen ganacsato suuqyada maxalliga ah. Arrintan ayaa dhalisay caro caalami ah, maadaama raashinkaasi loogu talagalay askarta la dagaallamaysa kooxaha argagixisada, islamarkaana sugaya amniga dalka.
Warbixinnadu waxay muujinayaan in musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya uu gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo ku dhowaad dhammaan agabka dibadda laga keeno ee dowladda mas’uul ka tahay ay si joogto ah u galaan gacmo gaar ah. Tani waxay dhaawacday kalsoonidii beesha caalamka, waxayna halis gelisay mustaqbalka gargaarka bani’aadannimo ee dalka.
Mareykanka ayaa ugu dambayn ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ay qaaddo tallaabooyin adag oo lagu la dagaallamayo musuqmaasuqa, lana hubiyo in gargaarka caalamiga ah uu si toos ah u gaaro dadka u baahan, haddii kale ay jiri doonaan cawaaqib sii daran oo dhanka gargaarka ah.
W/Q Zakariye Karazaay

0 Comments