Saaka waxaa warar madax bannaan ay sheegayaan in weerar iyo iska hor imaad milateri uu mar kale ka dhacay magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxa dagaalka u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo hoos taga Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xasan Eelaay.
Iska hor imaadyadan oo billowday shalay ayaa mar kale maanta subaxnimadii bilowday iyadoo sabab u noqday burbur hantiyeed, sida la soo wariyey, iyo khasaaro dadka rayidka ah.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dagaalka uu sababay in dad badan oo shacab ah deegaanka ku nool ay ka barakaceen guryahoodii, iyagoo raadinaya meel kale oo ay ammaan ku helaan.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Eelaay, ayaa war uu siiyay warbaahinta ku sheegay in saaka weerar lagu soo qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Baydhabo.
Wasiirku wuxuu sheegay in mas’uuliyadda wixii ka dhashay weerarkaasi uu dusha ka saarayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, isaga oo ku eedeeyay in weerarka uu ahaa mid si toos ah loola beegsaday.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in isgaarsiintii Baydhabo la jaray, taasoo adkeynaysa in si madax bannaan loo xaqiijiyo xogta dhabta ah ee xaaladda amni iyo tan bani’aadamnimo. Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in rasaas goos-goos ah iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo ka mid ah magaalada.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli muran siyaasadeed uu ka jiro Koonfur Galbeed, maadaama la sheegayo in muddada xilka madaxweynaha maamulka ay dhammaatay, islamarkaana la sugayo doorasho cusub.
Lama oga weli dadaallada lagu dejinayo xaaladda, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah iyo jawaab rasmi ah oo ka timaada dhinaca maamulka Koonfur Galbeed.

0 Comments