Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku dhawaaqday in ay weli furan tahay gogosha wadahadallada u dhexeeya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo carrabka ku adkaysay mas’uuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada dalka, wadajirka bulshada, iyo xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi iyo is-afgarad.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, guddiga farsamada ee dowladda federaalka ayaa sameeyay diyaargarow ballaaran, kana shaqeeyay gogol-xaadh la xiriira qabsoomidda shirka. Guddiga ayaa la tashiyo la yeeshay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, sidoo kalena kulamo dhowr ah la qaatay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo lagu isla gartay habraacyadii farsamo ee shirka lagu qaban lahaa.
Dowladdu waxay muujisay ka xumaansho ku aaddan dhacdo dhacday 1-da Febraayo 2026 iyo dib u dhac ku yimid imaanshaha qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka, arrintaas oo sababtay in hakad ku yimaado jadwalkii la qorsheeyay. Hase yeeshee, waxay caddeysay in tani aysan waxba ka beddelayn go’aankeeda ku aaddan wadahadalka iyo xal u helidda khilaafaadka jira.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay weli aaminsan tahay in arrimaha jira lagu xallin karo wadahadal iyo is-afgarad ku dhisan danta guud, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha bini’aadannimo iyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada. Dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si buuxda uga qeyb qaataan geeddi-socodka wadahadallada, si loo xoojiyo nabadda, midnimada, iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

0 Comments