Howlgalkan oo ku salaysnaa xog sirdoon oo la helay ayaa ka dhacay xaafadda Maweni Estate ee Nyali, halkaas oo la baaray guri la rumeysan yahay in lagu abaabuli jiray falal sharci-darro ah, Gudaha guriga ayaa laga helay saddex baakad oo heroin ah, taasoo keentay in si degdeg ah loo xiro eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Amir Latf iyo Ruhman Abubakar.
Baaritaanno hordhac ah ayaa muujinaya in labada qof aysan ku koobneyn oo kaliya ka ganacsiga maandooriyaha, balse sidoo kale lala xiriirinayo shabakad ka shaqeysa ka ganacsiga carruurta oo ka howlgasha magaalooyinka Mombasa, Malindi iyo Nairobi.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jira gacanta booliska, iyadoo lagu wado in maxkamad la soo taago marka la dhameystiro habraacyada sharciga. Qabashadan iyo daroogada la soo furtay ayaa mar kale muujinaya dadaalka joogtada ah ee DCI ugu jirto la dagaallanka dambiyada abaabulan iyo ilaalinta carruurta nugul.

0 Comments