Nin 80 jir ah oo lagu magacaabo Muumin Fiidow Rooble, oo dagan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa dib ugu celiyay dowladda Soomaaliya 50 litir oo shidaal ah oo uu ka qaatay magaalada Muqdisho sanadkii 1991-kii, xilligii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka. Muumin oo hadda ku jira da’da sideetamaadkiisa, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay talo uu kala tashaday culimo, si uu uga baxo mas’uuliyad uu muddo dheer dareemayay.
Muumin ayaa xusay in shidaalkaas uu ka qaatay xerada Afisyooni xilli ay jireen qalalaase iyo burbur dowladeed, isla markaana uu bixiyay 600 oo shilin Soomaali ah, inkastoo uu qiray in hantidaasi aysan ahayn mid si sharci ah loo fasaxay. Wuxuu tilmaamay in lacagta uu bixiyay xilligaas ay qoyskiisa u suurtagelisay inay helaan raashin, balse uu mar walba qalbiga ku hayay in uu dayn ku leeyahay hantidaas dadweynaha.
Bishii Sebteembar 2024, Muumin ayaa 50-ka litir ee shidaalka ah ku wareejiyay maamulka degmada Maxaas, isagoo muujiyay in ujeeddadiisu tahay inuu iska gudbo culayska damiirka iyo masuuliyadda diineed. Wuxuu sheegay in culimada uu la tashaday ay kula taliyeen in hantida dadweynaha dib loogu celiyo hay’adaha dowladda, si loo helo cafis iyo xasilooni nafsiyeed.
Maamulka degmada Maxaas ayaa soo dhaweeyay tallaabada Muumin, iyagoo ku tilmaamay mid ka tarjumeysa daacadnimo iyo wacyi diineed. Qaar ka mid ah bulshada deegaanka ayaa sidoo kale ku amaanay ficilkaas, iyagoo sheegay in ay tusaale u tahay isla-xisaabtan iyo ka noqoshada khaladaadkii dhacay xilliyadii adkaa ee dalka soo maray.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto dib u dhiska hay’adaha dowliga ah iyo kobcinta kalsoonida shacabka. Tallaabada Muumin Fiidow Rooble ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoo dad badan ku tilmaameen mid muujinaysa in mas’uuliyadda iyo daacadnimadu aysan lahayn waqti xaddidan.

0 Comments