Nigeria: Diyaarad shil ka badbaaday


Diyaarad ay leedahay shirkadda Arik Air oo nooceedu yahay Boeing 737,islamarkaana siday in ka badan 80 rakaab iyo shaqaale, ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka diyaaradaha ee Benin, kadib markii ay la kulantay cilad weyn oo ku timid mid ka mid ah matooradeeda.

Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Lagos kuna sii jeeday Port Harcourt ayaa la sheegay in shaqaalihii duulimaadka ay maqleen jug xooggan islamarkaana ay arkeen calaamado muujinaya cillad matoorka bidix ah, taasoo ku qasabtay inay joojiyaan matoorkaasi oo ay u weecdaan Benin si badbaado ah.
Maamulka duulista rayidka iyo hay’adda baarista shilalka hawada ee Nigeria ayaa xaqiijiyay in diyaaraddu si nabad ah ku degtay, islamarkaana aan wax khasaare naf ama hanti ah la soo sheegin. Baaritaan hordhac ah ayaa muujinaya burbur muuqda oo gaaray matoorka, iyadoo la bilaabay baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee ciladda keentay degista degdegga ah.

Post a Comment

0 Comments