Trump iyo Netanyahu Oo Arbacada Ku Kulmaya Washington

 


Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa toddobaadkan u safraya magaalada Washington si uu kulan ula yeesho Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa. Kulankan ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo Arbacada, waxaana diiradda lagu saari doonaa arrimaha la xiriira Iran iyo xaaladda amniga gobolka Bariga Dhexe.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in wada-hadallada labada hoggaamiye ay xooga saari doonaan barnaamijka nukliyeerka Iran iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan labada dal si loo xakameeyo saameynta Tehran ku leedahay gobolka. Kulankan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo walaaca caalamiga ah ee ku aaddan xiisadaha u dhexeeya Iran iyo dalalka reer Galbeedka.

Post a Comment

0 Comments