Diyaarad ay leedahay shirkadda Star Sky Aviation ayaa maanta dhibaato farsamo kala kulantay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli ay ku sii jeedday magaalada Guraceel ee gobolka Galgaduud. Diyaaradda ayaa la xaqiijiyay in ay si nabad ah ugu soo laabatay garoonka Muqdisho, iyadoo aan wax khasaare ah ka dhalan dhacdadaasi.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in diyaaradda ay siday ku dhowaad 50 rakaab ah, kuwaas oo dhammaantood si badqab ah uga degay diyaaradda, islamarkaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin. Safarka diyaaradda ayaa la qorsheeyay inuu maro magaalooyinka Guraceel iyo Galkacyo, balse cilad farsamo oo soo wajahday awgeed ayaa hakisay duulimaadka.
Duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegay inuu ka war helay ciladda xilli ay diyaaraddu hawada ku jirtay masaafo kooban, taasoo keentay inuu go’aan degdeg ah ku qaato in uu dib ugu soo celiyo garoonka Muqdisho, si loo hubiyo badbaadada rakaabka iyo shaqaalaha saarnaa.
Maamulka garoonka Aadan Cadde iyo hay’adaha duulista hawada ayaa billaabay baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay ciladda farsamo, halka shirkadda Star Sky Aviation ay sheegtay in ay ka shaqeyn doonto dayactirka diyaaradda iyo dib-u-socodsiinta safarka rakaabka sida ugu dhaqsaha badan.

0 Comments