Nin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa dalka United Kingdom ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii lagu helay inuu si khaldan u sheegay in haweeney ay walaalo yihiin ay tahay xaaskiisa, si uu uga faa’iidaysto nidaamka socdaalka.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan uu si ula kac ah u bixiyay macluumaad been ah si uu u helo sharciyo deganaansho iyo faa’iidooyin kale, arrintaas oo keentay in lagu soo oogo dacwad khiyaano ah. Garsooraha ayaa xusay in falkaasi uu yahay mid jebinaya sharciga socdaalka isla markaana dhaawacaya kalsoonida nidaamka qaxootiga.
Kiiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ku xoojineyso la dagaallanka khiyaanada la xiriirta qaxootiga iyo socdaalka, iyadoo la adkeynayo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo saxnaanta xogta la bixiyo.

0 Comments