Abdulaahi Sheekh Cali oo ku magac dheer Abdulaahi Dheere oo ah nin rer Jubaland qaraabo hoose ay wadagaan Madaxwaynaha Jubaland Ahmed Maxamed Islaam ayaa mudo 10 sano gudahood waxa uu ku noqday Milyineer ka macaashay hanti ay leeyihiin muwaadinin rer jubaland ah gaar ahaan kuwa ree Kismayo ah.
Abdulaahi Dheere oo isticmaalayo islamrkaana kaga faaiidaysanayo magacaga Axmed Madoobe ayaa dhacay 270 boos oo waqooyiga Magaalada Kismayo ku yaalo, Abdullahi Dheere ayaa adeegsaday Askar uu ku daadiyay dhulkaas madaama uu ahaa dhul beero ah oo ay leeyihiin dad shacab ah.
Abdullahi Dheere waa ganacsade waxaana u xiran leenka qaadka ka imada kenya ee yimaado Magaalada kismayo, Abdullahi Dheere waxa uu 12 sano ka hor ahaa sarifle isku badalo lacagaha Evc iyo M-Pesa iyo sido kale sarifka doolarka iyo shilin Soomaaliga.
Ninkaan ayaa markii danbe fursad ka dhex arkay arimaha dhulalka waxaana uu bilaabay askarta ay isku heeb yihiin in ay dhulalka ay boobaan uu ka iibsado isago siinayo lacago yar oo qayilaad ah ka dibna mashruuc wuu sii balaariyay.
Dhulkaan waqooyiga Kismayo ku yaalo ee 270 boos ah waxa uu ku daadiyay askar isagoo bixinayo qayilaadooda maalin laha ah ka dibna waxa uu bilaabay inu ka iibiyo rag ay isku beelo yihiin oo aragti sax ah aan ka haysan dhulkaan beeraha ah oo ay leeyihiin dad shacab ah.
Dhulalkaan ayaa maray heerarka dacwada dagmada, maxkamada sare iyo mida racfaanka oo dhamaan ay jogaan rag Abdullahi Dheere ay qaraabo yihiin kuwaas oo uu siiyay laaluusha ka dibna ay u xukumeen.
Ninkaan Abdullahi ah waxa ay jifo hoose isla yihiin Axmed Madoobe wuxuuna adeegsanaya awood isago aan laga hor imaan karin madaama Madaxwaynaha xigta yihiin.
Dadka dhulka leh qaar ka mid ah oo lacago badan laga qaaday islamrkaana loogu sheekeyay inay dib u helayaan hantidooda ayaa mudo la iska daba wareejiyay ugu danbayn wexe ogadeen in mar kale la dhacay oo lacagahooda aanu dib u heleenin waxayna ka hareen kiiska.
Ninkaan Abdullahi Dheere ah ayaa kiiskiisa dhowr jeer la gaarsiiyay Madaxwayne Axmed madoobe waxaana loo sheegay Abdullahi arinta inu ka tunaasulo boobka ah waxa uuna balan qaaday inu joojinayo balse halkiisa ayuu kasi waday dhaca.
Abdulaahi Dheere lacagaha faraha badan uu ka dhacay shacabka rer jubaland waxa uu ku iibsaday guryo iyo ganacsiyo qaali ah Magaalooyinka Kismayo iyo Nairobi.
270-ka boos ee uu dhacay Abdullahi halkii boos waxa uu joogaa 18$-kun oo doolar dhamaan lacagahaan waxa uu ku shubtay akoon uu leeyahay. Total-ka waa 4.8600,00$ .Four million eight hundred sixty thousand dollars. Afar milyan iyo sideed boqol oo kun oo dollar-ka Maraykanka ah.
Ilaa iyo hada majirto wax wada hadal ah oo uu ogolaado si hantidaan xooga leh qaar ka mid xita uu dib u celiyo taas badalkeeda waxa uu isticmalaya goodin dil ah iyo cidii kaso daba hadasho inu u isticmaalo.
Madaxweyne Axmed Islaam ayaa loogu baaqay in ninkaan si gaar ah ula xisaabtamo madaama ay isku jilib hoose yihiin waxaana shacabka codsadeen in ninkaan Abdullahi dheere uu isticmaalayo shaatiga Madaxwaynaha taasna dhaawac culus ay ku tahay Axmed Madoobe oo markii la daala dhacayay xalin iyo isku so dhaweenta beelaha rer Jubaland.

0 Comments