Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday bilowga xilliga bad-xiranka, iyadoo uga digtay ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed khataraha ka dhalan kara xaaladaha cimilada ee badda.
Sida lagu sheegay wargelin ay soo saartay wasaaraddu, xilliga bad-xiranka ayaa socon doona laga bilaabo 1-da Juun 2026 ilaa 15-ka Sebteembar 2026, muddadaas oo la filayo inay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xooggan oo saameyn ku yeelan kara Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
Wasaaraddu waxay si gaar ah uga digtay doomaha yaryar, kuwa waaweyn iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton, maadaama xaaladaha badda ay noqon karaan kuwo halis ku ah isu socodka iyo howlaha badda.
Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu boorriyay inay ka fogaadaan dabaasha iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee badda inta lagu jiro muddadan, si looga hortago khataraha naf iyo maalba leh ee ka dhalan kara mowjadaha iyo dabeylaha xooggan.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in ujeeddada digniintan ay tahay ilaalinta badbaadada shacabka iyo hantidooda, iyadoo ugu baaqday dhammaan dadka ay khusayso inay si buuxda u qaataan digniinta isla markaana muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu jiro xilliga bad-xiranka.

0 Comments