Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya xuska 49-aad ee xorriyadda Jabuuti

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Jabuuti, caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay isaga iyo wafdigiisa ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa ka mid noqday madax iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer caalami ah oo lagu casuumay ka qaybgalka xuska munaasabadda 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii Jabuuti ay xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska, taariikhdu markay ahayd 27-kii Juun 1977.

Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan la yeelan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga taariikhiga ah, iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.


Post a Comment

0 Comments