Garoonka Nairobi oo laga celiyey Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

 Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, laga masaafuriyey dalka Kenya kadib markii saraakiisha socdaalka ay su’aalo ka keeneen sax ahaanshaha baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu watay.

Sida lagu sheegay warbixinta wargeyska, Jibriil ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii, 24-ka Juun 2026, ka degay Terminal-ka 2-aad ee Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), isagoo ka yimid magaalada Muqdisho kuna safrayay diyaarad ay leedahay shirkadda Saacid Airlines.

Ilo wareedyo ka tirsan laamaha socdaalka iyo dad goobjoogayaal ah oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in mas’uulku uu watay baasaboor diblomaasiyadeed oo Soomaali ah oo shaqaynaya illaa Sebtembar 2029, isla markaana uu haystay fiise sax ah markii lagu guda jiray baaritaanka caadiga ah ee socdaalka.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in saraakiisha Kenya ay baaritaanno dheeraad ah sameeyeen kadib markii ay shaki ka muujiyeen dukumenti kale oo la sheegay inuu watay, arrintaas oo ugu dambayn sababtay in loo diido gelitaanka dalka Kenya, islamarkaana dib loogu celiyo halkii uu ka yimid.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ay ka soo saareen Dowladda Soomaaliya ama Dowladda Kenya oo ku saabsan dhacdadan.

Post a Comment

0 Comments