Danab oo Madaxweyne Deni Ku Eedeeyay Hurinta Xiisadda Puntland



Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Puntland, iyagoo digniin adag ka bixiyay suuragalnimada in xiisadda taagan ay isu beddesho dagaal gudaha ah.

Ciidamada Danab ayaa sheegay inay si weyn uga digayaan wararka iyo dhaqdhaqaaqyada la xiriira suuragalnimada in dagaallo ka qarxaan deegaano ka tirsan Puntland, gaar ahaan weerarro lagu qaado ciidamada PSF oo ay ku tilmaameen ciidamo reer Puntland ah oo muddo dheer qayb ka ahaa sugidda amniga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu masuul ka yahay hurinta colaadda iyo khilaafka gudaha Puntland. Danab waxay ku doodeen in khilaafka taagan uusan ahayn mid ka yimid cid dibadda ah, balse uu yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyo ka tirsan bulshada Puntland.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale sheegay in khilaafaadka noocan ah ay dhowr jeer hore uga dhaceen Puntland, iyagoo ka digay in ciidamada Puntland loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha.

“Ma jirto cid Puntland kaga soo duushay dibadda. Khilaafka jira waa mid salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dad reer Puntland ah,” ayay Danab ku sheegeen warsaxaafadeedkooda.

Danab ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu cadaadis iyo weerar siyaasadeed ku hayo cid kasta oo ka aragti duwan, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago daadinta dhiigga ciidamada reer Puntland iyo in la kala qaybiyo hay’adaha amniga.

Ciidamada ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaallo lagu yareynayo xiisadda, lagana hortago in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo dagaal hubeysan oo dhex mara ciidamada iyo shacabka Puntland.

Ugu dambeyn, Danab waxay caddeeyeen in haddii dagaal sokeeye ama colaad hubeysan ay ka dhacdo Puntland, ay mas’uuliyadda bilowga colaadda dusha ka saari doonaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhinaca kale, ciidamada PSF ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa howlaha amniga Puntland, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo sugidda amniga deegaanada muhiimka ah.

Warsaxaafadeedka Danab ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo amni, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku hayaan arrimo la xiriira maamulka iyo hoggaanka Puntland.

Post a Comment

0 Comments