Saraakiil ciidan oo Turkish ah oo kormeeray jiidaha hore ee dagaalka Al-Shabaab



 Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga, kuwaas oo ku sugan Soomaaliya, ayaa maalmahan booqashooyin ku maraya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka socdaan diyaar-garowga iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku dhawaaqay dardar-gelinta wejiga cusub ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo ku baaqay in la xoojiyo hawlgallada ka socda gobollada dalka.

Maalmo ka hor ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Turkiga booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Intii uu joogay, wuxuu kulammo la yeeshay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada, waxaana uu qiimeyn ku sameeyay taageerada ay Turkigu siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarka, la-talinta iyo qorsheynta hawlgallada.

Wararka ayaa tilmaamaya in saraakiisha Turkiga ay booqanayaan furimaha hore si ay ula socdaan xaaladda amniga, horumarka hawlgallada socda iyo baahiyaha ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya dhinaca amniga iyo difaaca. Sanadihii la soo dhaafay wuxuu tababar iyo qalab ciidan siiyay kumannaan askari oo Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ka qeyb qaadanaya xoojinta awoodda ciidamada qaranka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay guulo ka gaartay hawlgallada militari ee dalka ka socda, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kooxda Al-Shabaab dib uga riixeen deegaanno badan oo u dhexeeya Hobyo ee gobolka Mudug ilaa degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in ujeeddada hawlgallada socda ay tahay in gebi ahaanba kooxda looga saaro goobaha ay weli kaga sugan yihiin

bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, isla markaana dib loogu soo celiyo maamulka dowladda iyo adeegyada aasaasiga ah ee deegaannada laga xoreeyo.

Post a Comment

0 Comments