Puntland iyo Mareykanka oo kulan muhiim ah ku yeeshay Boosaas

 


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi saraakiil sare ah oo ka socday Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee Puntland iyo Mareykanka.

Wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminayay Colonel James Rose, oo ah taliyaha howl-gallada gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Afrika, sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, gaar ahaan kooxaha ku sugan buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, iyo sidoo kale xoojinta amniga xeebaha iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta qorshaha saldhigga ciidamada Mareykanka ee Boosaaso, iyadoo sidoo kale la isla eegay tababarrada iyo tayeynta ciidamada Puntland.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka iyo Puntland ay sii xoojinayaan iskaashigooda dhinaca amniga. Horaantii bishan, Puntland waxay sheegtay in Mareykanka lala gaaray heshiis cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga amni iyo joogitaanka milatari ee Boosaaso.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkan kordhiyay howlgallada cirka ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee Soomaaliya, iyadoo AFRICOM ay sheegtay in duqeymo lala beegsaday Al-Shabaab iyo Daacish.

Kulanka Boosaaso ayaa sidaas darteed loo arkaa tallaabo kale oo lagu xoojinayo xiriirka amni ee Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo sugidda amniga badda.

Post a Comment

0 Comments