Hawlgallo baadi-goob iyo samatabbixin ah ayaa ka socda Badda Marmara, kadib markii laba markab oo ganacsi oo wata calanka Türkiye ay isku dhaceen aroornimadii Arbacada, iyadoo la la’yahay 10 shaqaale ah oo saarnaa mid ka mid ah maraakiibta.
Shilku wuxuu dhacay qiyaastii 3:15 aroornimo, meel ku dhow 33 kiiloomitir koonfur ka xigta degmada Silivri ee Istanbul. Labada markab ayaa kala ahaa Tugberk Imamoglu, oo ahaa markab xamuul ah, iyo Alsu, oo ah markab qaada saliid iyo kiimikooyin.
Markabka Tugberk Imamoglu, oo siday ku dhowaad 4,200 tan oo bir duuban ayaa la rumeysan yahay inuu degay kadib markii xiriirkiisa la waayay, Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in markabku uu quusay muddo ku dhow 11 daqiiqo kadib isku dhaca.
Waxaa saarnaa markabka 10 shaqaale oo dhammaantood Turki ah oo uu ku jiro kabtankii markabka, Ilaa hadda lama helin wax xiriir ah oo lala sameeyo shaqaalaha waxaana goobta laga helay qaar ka mid ah qalabkii badbaadada ee markabka balse aanay shaqaalihii ku jirin.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Türkiye ayaa goobta geeyay 14 doonyood iyo laba diyaaradood oo helicopter ah, iyadoo sidoo kale ciidamada badda ay ku biireen hawlgalka raadinta Badda halka uu shilku ka dhacay ayaa lagu sheegay inay qoto dheer tahay ku dhowaad 800 ilaa 900 mitir.
Markabka kale ee Alsu ayaa, sida baaritaannadii hore lagu
sheegay aan lahayn wax dhaawac muuqda oo weyn, waxaana socda baaritaan lagu
ogaanayo sababta keentay isku dhaca labada markab.

0 Comments