Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Soomaalida uga digay in mar kale la gubo Calanka Turkiga

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Soomaalida uga digay in mar kale la gubo calanka dalka Turkiga, isagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto jawaab culus.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii calanka Turkiga la gubo, dowladda Turkiga ay awood u leedahay inay tallaabo adag ka qaaddo, xitaa isagoo xusay in kumannaan qof ay waxyeello kasoo gaari karto.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka noocaas ah, isla markaana aysan mar kale gubin calanka Turkiga, oo uu ku tilmaamay dal muddo dheer garab taagnaa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya kaddib markii Magaalada Kismaayo lagu gubay calanka Turkiga, taas oo la sheegay inay ka dambeysay caro ka dhalatay duqeyn ay diyaaradaha Turkiga ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah iyo iskaashi dhinacyo badan leh, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xiriirka labada dal.

Dhacdadan ayaa dhalisay hadal-heyn iyo falcelin, iyadoo dhinacyada kala duwan ay si gaar ah uga hadlayaan xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida loo maareyn karo khilaafaadka ka dhasha hawlgallada militari ee dalka ka dhacaya.

Post a Comment

0 Comments