Xaaladda Taliye Shub oo la shaaciyay kadib duqeyntii Doolow

 Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, uu dhaawac ka soo gaaray duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday guriga uu ka deganaa degmadaasi.

Sida ay sheegeen wararka hordhaca ah, duqeynta ayaa sidoo kale sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad kale oo guriga ku sugnaa. Waxaa la soo wariyay in haweeney Itoobiyaan ah oo guriga ka shaqaynaysay ay ku geeriyootay, halka dhowr qof oo kale ay dhaawacmeen.

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in Taliye Shub uu dhaawaciisu yahay mid fudud, waxaana xaaladdiisa caafimaad lagu sheegay inay degan tahay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin cidda fulisay duqeynta iyo diyaaraddii loo adeegsaday, inkastoo warar iyo eedeymo kala duwan ay soo baxayaan. Maamulka Jubbaland ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Turkiga in diyaarado uu leeyahay ay fuliyeen weerarka, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaasi ku lug leedahay. Eedeymahaas ayaan weli helin xaqiijin madax-bannaan.

Duqeyntan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo Taliye Shub uu hore uga mid ahaa saraakiisha iyo siyaasiyiinta si weyn loogu xiriiriyo arrimaha Koonfur Galbeed.

Faahfaahinta ku saabsan sababta rasmiga ah ee loo bartilmaameedsaday Taliye Shub iyo cidda ka dambeysa weerarka ayaa weli la sugayaa.

Post a Comment

0 Comments