Ruto oo Amar Culus Ku Bixiyay Ajaanibta Ka Ganacsata Ganacsiyada Yaryar ee Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa amar ku bixiyay in dowladda ay tallaabo ka qaaddo ajaanibta ku hawlan ganacsiyada yaryar iyo iibinta waddooyinka isagoo sheegay in fursadaha noocaas ah mudnaanta la siinayo muwaadiniinta Kenya.

Ruto ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, 2-da Sebtembar 2026, xilli uu State House ee Nairobi kula kulmay ganacsatada ka tirsan qaybta Micro, Small and Medium Enterprises (MSMEs).

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay heshay cabashooyin ku saabsan ajaanib gudaha Kenya u yimaada inay ka shaqeystaan ganacsiyo yaryar, isagoo tusaale u soo qaatay dadka iibinaya bustayaasha iyo badeecooyin kale, kuwaas oo uu sheegay inay si toos ah ula tartamayaan ganacsatada yaryar ee Kenyanka ah.

Ruto ayaa Wasaaradda Maalgashiga, Ganacsiga iyo Warshadaha faray inay bilowdo tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo go’aanka, iyadoo warbaahinta Kenya ay sheegtay in howlgalku bilaaban doono Isniinta, 7-da Sebtembar 2026.

Ruto wuxuu sheegay in dowladda aysan sugi doonin oo keliya in Baarlamaanka uu meel mariyo sharciga cusub, balse ay qaadi doonto tallaabooyin maamul oo lagu xakameynayo ajaanibta ku jira ganacsiyada yaryar ee loo qoondeeyay muwaadiniinta Kenya. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Kenya horyaallo hindise sharciyeed lagu qeexayo noocyada ganacsi ee ajaanibta loo oggolaan karo iyo kuwa mudnaanta ama xaddidaadda loogu sameynayo muwaadiniinta Kenya.

Ruto ayaa ganacsatada iyo daneeyayaasha ugu baaqay inay ka qayb qaataan dib-u-eegista sharciga, si loo xiro meelaha uu sheegay inay suuragal ka dhigi karaan in ajaanibtu sii wataan ganacsiyada yaryar ee la xaddiday.

Go’aankan ayaa walaac iyo su’aalo cusub ku abuuri kara ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan kuwa ku shaqeysta ganacsiyada yaryar iyo kuwa iibka waddooyinka.

Si kastaba, amarka Ruto ma aha mamnuucid guud oo dhammaan ajaanibta looga joojinayo ganacsiga Kenya. Hadalka madaxweynaha wuxuu si gaar ah ugu saabsanaa  qaybo ka mid ah ganacsiyada yaryar, halka sharci qeexaya xuduudaha ganacsiyada ajaanibta loo oggol yahay uu weli socdo. 

Ruto ayaa dhinaca kale sheegay in Kenya ay soo dhaweynayso maalgashiga shisheeye, balse uu sheegay in maalgashiga la doonayo uu yahay mid keena raasumaal, shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale, halkii ajaanibku dalka ugu iman lahaayeen ganacsiyo yaryar oo raasumaal kooban u baahan. 

Go’aanka ayaa durba dhaliyay dood gudaha Kenya ah. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadka dhaliila dowladda ayaa ka digay in tallaabada lagu bartilmaameedsanayo ajaanibta ay abuuri karto dareen naceyb ama xiisad ka dhan ah dadka kasoo jeeda dalalka kale ee Afrika. 

Arrintan ayaa sidaas darteed indhaha ku haysa kumannaan ganacsato ajaanib ah, oo ay ku jiraan Soomaali, Itoobiyaan, Tanzaniyeyn iyo bulshooyin kale oo ganacsi ku leh Kenya, iyadoo la sugayo faahfaahinta sharciga iyo sida dowladda u dhaqan-gelin doonto amarka cusub laga bilaabo 7-da Sebtembar.

Post a Comment

0 Comments