Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay loo doortay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, iyadoo ku guuleysatay kursi ay ku mataleyso muddada 2026–2028.
Doorashadan oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa Itoobiya ayaa ka dhigan tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo muujinaysa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo amniga qaaradda.
Golahan ayaa mas’uul ka ah ka hortagga, maareynta iyo xallinta khilaafaadka ka jira Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika taageerada ay siiyeen, iyadoo ballan qaaday inay xoogga saari doonto ka hortagga colaadaha, la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta xasilloonida gobolka inta ay kursigaas ku fadhido.

0 Comments